Jose Mourinho: Barcelona Booskeeda Finalka Champions League Wuu Xaqiijisan Yahay.

0

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa aaminsan in Barcelona ay u xaqiijisan tahay booskeeda finalka Champions League.

Tababaraha Madrid ayaa saxaafada la hadlayay ka dib markii kooxdiisa ay 5-2 kaga badisay APOEL kulankii ka dhacay Santiago Bernabeu, isagoo soo jeediyay in kooxdiisii hore ee Chelsea in ay macquul aheyn inay Munich gaadho bisha May.

Markii wax laga weydiiyay labada kulan ee semi-finalka wareysi toos ah oo TV laga daawanayay intii uu dhex socday dhuunta looga baxo garoonka, Mourinho ayaa u sheegay TeleMadrid: “Aniga ahaan su’aasha iigu weyn waa inaan ogaado yaa finalka la ciyaari doona Barca”

“Waxa ay noqon doontaa semi-final weyn Bayern iyo Real Madrid, kooxda fiican ayaana la ciyaari doonta Barca” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mourinho ayaa markaasi ka dhaqaaqay wariyahii wareysanayay, waxaana durbaba la sii dabaraaciyay su’aal aheyd sababta uu u hubo in Barcelona ay finalka gaadhi doonto.

“Sababtoo ah aad ayay u fiican yihiin” ayuu ku jawaabay tababaraha Los Blancos, ka hor inta aanuu soo gabgabeyn wareysigii laga qaadayay.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports