Jose Mourinho Oo Sheegay Bixitaanka Pep Guardiola In Aanu Wax Faa’ido Ah Usoo Kordhinayn Real Madrid.

0

Spain (Berberanews Sports):- Go’aanka uu Pep Guardiola kaga tagayo Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxba kama bedeli doonto Real Madrid sidaas waxaa yidhi dhigiisa Real Madrid Jose Mourinho.

Hadalkiisii ugu horeeyay ee tan iyo markii uu Guardiola ku dhawaaqay jimcihii inuu ka nasanayo kubada cagta, Mourinho oo kooxdiisa ay qarka u saaran tahay inay qaado La Liga ayaa sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Guardiola, islamarkaana fariin ay la socota hab siin uu u dirayo.

“Arinta Guardiola waa arin shakhsi ah” ayuu Mourinho ku sheegay shir jaraa’id ka hor inta aanay kooxdiisa la ciyaarin Athletic Bilbao, oo hadii ay ka badiyaan ay xaqiijisan doonaan horyaalkoodii ugu horeeyay ee muddo afar sanno ah.

“Isaga ayaa og sababta uu u baxayo, isaga ayayna tahay inuu ka hadlo, waa isaga qofka ay tahay inuu sameeyo waxa farxad gelinaya” ayuu yidhi tababarihii hore ee Inter Milan, Chelsea iyo Porto.

“Waxaan tababare ahaa muddo 12 sanno ah, aniga ahaan waa i dhibeysaa inaan kubada ka maqnaado marka la gaadho June markaasoo aanay jirin ciyaaro la ciyaaro ama tababar la sameeyo”

“Lakiin qof walba waa sida uu yahay, waana inaad ixtiraamtaa islamarkaana aqbashaa go’aanka qofka kale”

Mourinho ayaa lagu yaqaanaa inuu isha farta ka geliyay tababaraha Guardiola ka bedeli doona xilli ciyaareedka soo socda Tito Vilanova, bilowgii xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer Portugal ayaa la weydiiyay hadii bixitaanka Guardiola ee ka dib afar sanno oo uu ku qaaday 13 koob oo ay ku jirto labo Champions League, ay faa’ido u tahay Real.

Waxa uu ku jawaabay:

“Ma aqaano sabab ay inaga faa’ido inoogu tahay”

“Real Madrid waa Real Madrid, Real Madrid waxa ay ku sii socon doontaa wadadeeda u gaarka ah, Real Madrid iyada ayaa leh go’aankeeda u gaarka ah”

“Go’aankeyga aan ku sii joogayo shaqo kuma lahan cida tababare ka noqon doonta koox kale”

“Hadii ay go’aansadeen in Vilanova uu yahay nin ku haboon shaqada xilli ciyaareedka soo socda, hubaashii waxa ay go’aankaas ku gaadheen kalsooni ay ku qabaan”

“Barcelona weli waxa ay inoo noqon doontaa kooxda ugu adag ee aan kula tartami doono La Liga xilli ciyaareedka soo socda”

“Anaga ahaan wax isbedel ah inooma sameyneyso bixitaanka Guardiola”

Shir jaraa’id oo kaas ka danbeeyay oo uu qabtay Guardiola waxa uu ugu mahadceliyay hadalada Jose Mourinho.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports