Jose Mourinho Oo Sheegay In Kooxdiisu Uu Nasiibku Ka Hiiliyay Inay Gaadhaan Finalka Champions League.

0

(Berberanews sports):- Jose Mourinho ayaa guuldaradii ka soo gaadhay kooxdiisa semi-finalka Champions League ku eedeeyay nasiib darro soo wajahday kooxdiisa.

Kooxda ku guuleysatay 9 jeer Champions League ayaa rikoodhe 3-1 waxaa kaga badisay kooxda Bayern Munich oo 19ka May la ciyaari doonta finalka Champions League kooxda Chelsea.

“Nasiibka ayaa na diiday” ayuu yidhi Mourinho ciyaartii xalay ka dib.

“Waa adag tahay in labo sanno oo isku xigta la gaadho semi-final islamarkaana loo gudbi waayo final. Waxaan u qalanay inaan badino”

“Waxaan xusuustaa kulankii Liverpool ee Champions League waxaan ciyaartaas ka hor laheyn kulan adag oo horyaalka ah, iyagana cadaadiskaas muu saarnayn, waana ay inaga badiyeen”

“Tana la mid ayay aheyd. Waxaan la ciyaarnay wiig dhamaadkii Barcelona, Bayern Munich-na kulan adag ma aanay ciyaarin”

“Marka laga soo tago inay ciyaartoy nastay heysteen, waxaan ciyaarnay kubad fiican. Ciyaartoyda intii karaankooda ah waa ay da’daaleen” ayuu yidhi.

Mourinho ayaa ku bookhday sida sheegay ciyaartoyda Bayern Munich qolka labiska iyagoo u hambalyeeyay guusha ay gaadheen, lakiin waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inuu rajeynayo in Chelsea ay qaadi doonto ka Champions League 19ka May.

“John Terry ayaa ka maqan, lakiin Chelsea waa ay joogtaa. Waxaan rajeynayaa inuu noqdo final wanaagsan. Waxaan doonayaa in Blues ay badiso lakiin ixtiraam ayaan u hayaa Bayern”

Waxaana uu sidoo kale ka hadlay sida Chelsea ay ku reebtay kooxda ay ficiltamaan ee Barcelona.

“Chelsea geesiyaal ayay ahaayeen shalay. Dadka qaar ayaa Barcelona u heysta inay madax ka yihiin kubada cagta waxaana ay hoos u eegaan kooxo sida Chelsea ama Inter, lakiin wax ay ka yaqaanaan ma lahan dadaalka kooxahaas”

“Chelsea waa ay u qalantaa inay final gaadho si la mid ah Bayern Munich”.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports