Jose Mourinho Oo Sheegay Inuu Rajeynayo Inuu Mustaqbalka Dhow Ku Laabto Premier League.

0

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu rajeynayo inuu mustaqbalka dhow ku laabto Ingariiska iyo horyaalka Premier League.

Inkastoo oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Spain, hadana macalinkii hore ee Chelsea ayaa qirtay inuu jaceyl u qabo England, isagoo si maldahan u sheegay in labo sanno gudahood uu ku laaban karo.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan joogo Real Madrid” ayuu Mourinho u sheegay BBC Radio 4. “Qibrad weyn ayay ii tahay”

“Waxaan rumeysanahay inay tahay kooxda ugu weyn taariikhda kubada cagta. Ma doonayo inaan iska dhumiyo fursada aan halkaan uga shaqeynayo, lakiin jaceylkeyga waxa uu yaalaa England, talaabada xigtana waxa ay tahay inaan halkaas ku laabto, hadii suurtogal tahay inaan halkaas tago oo aan joogo muddo dheer” 

“Labadoo sanno gudaheeda koox ii raadiya, ii raadiya koox fiican” ayuu Mourinho yidhi.

Jose Mourinho ayaa dhowr jeer oo hore ka hadlay inuu jecel yahay kubada England, waxaana hore loola xidhiidhinayay inuu yahay ninka bedeli doona tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson.

Mourinho ayaa xagaagii 2010 qabtay kooxda Madrid waxaana uu saxeexay heshiis afar sanno ah, waxaa haatan la filayaa in qandaraaskiisa haatan ka dib, inuu u soo jiheysan doono England.

Mustafe Maxamud “kastam”

Kastam@bereranews.com

Berberanews Sports