Jose Mourinho: Waa Guul Weyn Hadii Aan Hal Dhibic Kaliya Horyaalka Kaga Qaadno Barcelona.

0

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inaysan waxba dhankiisa ka aheyn dhibcaha ay ka sareeyaan Barcelona ilaa iyo inta Los Blancos ayba ku guuleysaneyso La Liga.

Kooxda Santiago Bernabeu ka dhisan ayaa haatan 10 dhibcood hogaanka kaga heysa kooxda ay xafiiltamaan, lakiin Mourinho ayaa kaliya xiiseynaya inuu ku guuleysto La Liga dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo sheegay inuu ku faraxsanaan doono hadii ay horyaalka xitaa hal dhibic kaga qaadaan reer Catalan.

“Waa iska cadahay faa’idada aan ka heysano kooxda kaalinta labaad inay boos fiican ina dhigeyso, islamarkaana Barcelona ay gelineyso xaalad cakiran” ayuu Mourinho ku yidhii shirkiisa jaraa’id.

“Waa inaan ku shaqeynaa si la mid ah sida aan u soo shaqeynay, sababtoo ah kooxda aan xafiiltano waa koox weyn oo natiijooyin fiican gaadhi kara”

“Waxaan dooneynaa inaan badino kulan kasta si aan horyaalka u go’aansano sida ugu dhaqsiyaha badan. Xitaa waa guul aad u weyn hadii ugu danbeyn aan horyaalka ku qaadno kaliya hal dhibic”

Real Madrid ayaa geesaha waxa ay isgelin doonaan kooxda Racing Santanter oo berri ku soo booqan doonta garoonkooda Santiago Bernabeu.

Mustafe Maxamud

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports