Kabtan Shayse oo aas qaran loogu sammeeyay magaalada Berbera

0

Berbera-(Berberanews)-Alla haw naxariistee waxaa maanta magaalada Berbera aas qaran loogu sameeyay Captain Yuusuf Aar Ducaale (shayse) oo ka mid ahaa kabtannada aqoonta dheer iyo waayi aragninada dheer u lahaa xidhista maraakiibta oo muddo dheer ka hawlgalayay Dekedda Berbera.

Alle ha unaxariisto Captain Yuusuf Aar Ducaale (Shaysa) waxa uu ahaa khabiir dhinaca badda ah gaar ahaana habka xidhista maraakiibta .

Waxaa uu ahaa waayo arag ilaa 1955kii badda ka shaqanayey iyo aduunka gaar ahaana baddaha aduunka .

Waxaa uu wax kusoo bartay wadamada Jermalka , Ingriiska , taltaaniga iyo wadanka emiraadka carabta Sucuudiga iyo kuwo kale oo mudo tababaro kusoo qaatay .

Shayse waxaa uu ahaa macalinka inta badan shaqalaha waaxda faraca badda iyo khubadrada soo xidha maraakiibta Alle ha unaxariiste waxaa uu ahaa shakhsiga kaliya ee kaydiyey buugaagtii iyo heshiisyadii Somliland iyo ingriiska 1884kii .

Waxaa uu ahaa shakhsi dun oo cid walba la saaxiib ah , wadani dal jecel oo xaruuri ah allaah janada ha geeyo .