Kabtan Steven Gerrard Iyo Glen Johnson Oo Dib Ugu Soo Laabtay Liverpool.

0

(Berberanews Sports):- Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard iyo difaaca Glen Johnson ayaa ku soo laabtay kooxda ka hortageysa Sunderland ee u safreysa Stadium of Light.

Gerrard ayaa dhaawac yar uu ka soo gaadhay markii uu la maqnaa England, halka Johnson uu isna dhaawac soo gaadhay ka hor kulankii England iyo Holland, waxaana ay labadoodaba seegeen kulankii todobadkii hore ay guuldarada ka soo gaadhay Arsenal.

“Steven iyo Glen maanta ayay ku soo laabteen tababarka, waana arki doonaa sida ay yihiin” ayuu tababare Kenny Dalglish ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee maanta.

Mar la weydiiyay hadii soo laabashada Gerrard ay kor u qaadi doonto mooraalka kooxda waxa uu ku jawaabay: “Kaliya kor u qaadida moraalka kuma xireen Stevie, wax weyn ayay inoo soo kordhineysaa inaan qof walba dib u helno oo uu Steven ku jiro”

“Sidoo kale inaan dib u helno Glen, kaasoo shaqo fiican inoo qabanayo, waana ay inoo fiicnaan doontaa”

Daniel Agger ayaa weli dhaawac la maqan sidaasi darted waxa ay u badan tahay in Jamie Carragher uu weli ka sii ciyaari doono difaaca dhexe isaga iyo Martin Skrtel.

Mustafe Maxamud “Kastam”

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports