Kabtankii Hore ee Kooxda Real Madrid oo Geeriyooday

0

Ciyaaraha-(Berberanbews)-Kabtankii hore ee kooxda Real Madrid Mr. Jose Maria Zarraga, ayaa Salaasaddii Toddobaadkan geeriyooday isagoo da’diisu tahay 81 jirkan, waxaana sidan lagu sheegay war qoraal kooxdu soo saartay.

Jose Maria Zarraga oo khadka dhexe ka ciyaari jiray waxa uu Real Madrid ka tirsanaa muddo 13 xilli-ciyaareed ah, waxaannu ka caawiyey inay shan jeer oo xidhiidh ah ku guulaystaan koobka horyaalka Yurub.

Zarraga oo ka barbar ciyaaraya Di Stefano iyo Paco Gento, ayaa sidoo kale kooxda u suurtogeliyay inay lix jeer qaadaan koobka horyaalka Spain, waxaannu u saftay 306 ciyaarood oo 96 gool u saxeexay.

Berberanews

Barnaamijka Ciyaaraha

Mustafe Kastam