Khalifa Haftar: Janaraalkii ay ciidamada Turkiga jebiyeen oo soo laba kacleeyay

0

Wargeysyada Carabta ayaa falanqeynaya hadal dhawaan kasoo yeeray Janaraal Khalifa Haftar oo ah “in ciidamadiisa aysan wax mas’uuliyad ka qaadi doonin Liibiya mid magac shacab leh iyo mid kale toona,” arrintaas oo tooshka ku ifineysa warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in uu soo saaray go’aanno uu amar ku siinayo hoggaanka ciidamadiisa iyo in uu qaar ka mid ah saraakiisha dallacsiiyay.

Qorayaasha wargeysyada qaarkood ayaa aaminsan in tallaabada uu Haftar qaaday ay tahay “afgambi” waxayna imaaneysaa xilli uu socdo “dagaal loogu hardamayo awoodda” oo u dhaxeeya isaga iyo dowladda Liibiya.

Dadka u kuur galaya xaaladda ayaa ka digay in Liibiya ay dib ugu laabato meeshii ay taagneyd ka hor inta aan la gaarin heshiiska xabad joojinta ah ee ay hirgalisay aramada Midoobay.

‘Tallaabo afgambi ah’

Ernest Khoury, oo wax ku qora wargeyska Al-Carabi Al-Jadiid ee fadhigiisu yahay magaalada London, ayaa Haftar ku dhaliilay hadallada uu dhawaanahan jeedinayay, halkii “uu uga mahad celin lahaa dowladda uu madaxweynaha ka yahay Hamid al-Dabaiba” maadaama lagu daray ciidamadiisa kuwa wax laga siinayo miisaaniyadda guud.

Qoraaga ayaa sheegay in Haftar uu yahay “nin militari ah oo ku fiican sida loogu dhaqmo qabyaaladda iyo xagjirnimada” waxbana uusan ka fahansaneyn “isku dheellitirka gobollada Liibiya, wax kasta oo uu sameynayana uu kaga amar qaato Masar, Faransiiska, Imaaraadka iyo Sacuudiga.”

Wargeyska A-Quds Al-Carabi, oo laftiisa kasoo baxa London ayaa hadalka kasoo baxay Haftar ku tilmaamay “tallaabo afgambi ah” waxa uuna qoraaga maqaalka qoray sheegay in “isbadalladan ay muujinayaan afgambi uu Haftar ku sameynayo siyaasadda Liibiya ee ifafaalada wanaagsan yeelaneysay bilihii lasoo dhaafay”.

Qormadan ayuu sidoo kale wargeysku ku sheegay in “dhaqamada Haftar ay ku xad gudbayaan natiijooyinka wadaxaajoodyadii siyaasadeed ee Liibiya lagu galay bishii November ee sanadkii 2020-kii”.

“Hab dhaqanka Haftar wuxuu caddeynayaa in ay furin cusub ka sameynayaan caqabadaha Liibiya ay hadda la tacaaleyso oo isugu jira dhinaca siyaasadda, militariga iyo dastuurka,” sida uu sheegay wargeyska.

Khilaafka ugu weyn waxa uu ka dhalan karaa sida la isugu dhafi doono ciidamada labada dhinac ee horay uu dagaalka uga dhaxeeyay.

Mid ka mid ah shuruudihii ku xirnaa heshiiska Liibiya iyo xabad joojinta waxay ahayd in kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ah ee garabka siinayay Haftar ay ka baxaan dalka.

Waxaa dhammaaday saddex bilood oo loo qabtay inay ku baxaan balse waxay BBC-da xaqiijisay in wali qaarkood ay ku sugan yihiin Liibiya, taasoo sii xoojineysa wararka ku saabsan in uu waji kale u qarsan yahay Janaraalka.

Dalalka shisheeye ee taageera Khalifa Hartar qaarkood waxay dareemayaan in aysan dani ugu jirin bogga cusub ee u furmaya Liibiya oo laga yaabo in ay dagaallada sokeeye kasoo afjarmaan, sida ay wargeysyada carabta qoreen.

Dagaalka loogu jiro “awoodda”

Bayaan kasoo baxay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in geeddi socodka Liibiya uu wax u dhimayo walaaltinnimada labada waddan. Qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinnimada ee tooska ah ayay Imaaraadka ku tilmaameen wax aan la aqbali karin.

Hadalkaas ayaa loo arkay mid lagu diiddan yahay hannaanka doorashada ee ka socda Liibiya.

Dhowr bilood ka hor ayey xoogagga Janaraal Kahlifa Haftar oo dhinaca bari weerar kaga soo qaaday magaalada Tripoli oo saldhig u ahayd dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto.

Hase yeeshee ciidamadiisa oo aad u hubeysnaa, sida la sheegayna garab ka helayay maleyshiyaad iyo kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo dibadda ka yimid, waxaa ka adkaaday ciidamada dowladda oo taageero ka helayay diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Turkiga.

Liibiya ayaa sannadihii dambe u muuqatay mid ay ku hardamayeen awoodo caalami ah oo ay ka mid yihiin Turkiga oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah Ruushka, Faransiiska, Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Qaramada Midoobay ayaa billowday wareeg cusub oo wadahadal ah, kaasoo eryooyin ka kala socda dhinacyada isku haya dalka Liibiya ay isku dayi doonaan inay heshiis ka gaaraan sida loo qabanayo doorashooyinka muhiimka ah.

Ujeeddada ayaa ah in la dajiyo qaab dhismeedka dastuur lagu maamuli doono doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinnimada ee lagu wado in ay dhacaan bisha December.

Eryooyinka ayaa ku guul darreystay inay ku heshiiyaan wadaxaajood noocan ah oo dhacay lix isbuuc ka hor.

Dagaal sannado socday kaddib, waxaa la dhisay dowlad ku meel gaar ah oo loogu talogalay inay qabato doorashooyinka Liibiya.

Laakiin in heshiis laga gaari waayo arrintan la xiriirta arrintan waxay shaki galineysaa in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talogalay.

@BBC SOMALI