Muqdisho-(Berberanews)-Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay in hal qof oo Turkish ah uu ku jiro dadka ku geeriyooday qarax ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole.
Qaraxan ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xidhay walxaha qarxa oo la sheegay in ciidamadu ka shakiyeen kaddibna rasaas ku furreen taasoo keentay in uu goobtu ku qarxo, taasoo uu isna ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Debedda Turkiga, ayaa sidoo kale sheegtay in afar kale oo u dhashay dalka Turkiga ay ku dhaawacmeen weerarkan oo lala eegtay
Injineerrada ku howlan dhismaha wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye.