Khasaaraha ka dhashay laba qarax oo maanta lala beegsaday meelo ka mida Caasimadda Turkiga

0

Istanbul-(Berberanews)- Afar Qof ayaa ku dhaawacmay laba Qarax oo   maanta  ka dhacay  magaalada  Istanbul  ee  Dalka Turkiga gaar ahaan   degmo ay  ku badan yihiin  dad xoogsato ahi.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday  Gaadhi laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa. Sida ay  ku warrantay  wakaaladda wararka  ee Dookaan ee dalka Turkiga qarax  kale ayaa isla maanta ka dhacay agagaarka mid ka mida Huteellada ugu waaweyn magaalada Istanbul, kaasi oo laba qof oo kale ku dhaawacmeen,  inkastoo aan la xaqiijin inay wax xidhiidha wadaagaan qaraxyadani, haddana qaraxyadan ayaa waxa lala xidhiidhinayaa inay ka danbeeyeen kooxo lagu tilmaamay inay yihiin Xag-jir oo qaraxyo noocan oo kale ah hore uga  fuliyey waddanka Turkiga.

Bereranews.com

Hargeysa/Somaliland.