Khasaaraha ka dhashay qarax gilgilay Muqdisho

0

Muqdisho  (Berberanews)- Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmaada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob Suuq Qaadka lagu iibiyo  ah, islamarkaana laga raro gaadiidka oo ay xiligaa ku sugnaayeen dadweyne aad u faro badan.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaadhi wadada la dhigay uu  qarxay abaarihii duhurkii, waxaana laga cabsi qabaa in khasaare kala  duwan uu dhaliyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidka gurmadka degdega ay goobta gaadheen, sidoo kale waxaa goobta qaraxa ka dhacay tagay ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Soomaaliya.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ahaa mid si xooggan looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa imanaya xili magaalada Gaalkacyo subaxnimadii hore ee saaka ay ka dhaceen Qaraxyo culus oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux.

Source: Hiiraan Online