Khilaafka Doorashada Somalia, Farigelinta Beesha caalamka iyo maqnaanshaha laba Maamul

0

Muqdisho-(Berberanews)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan wakiillada beesha caalamka iyagoo ka wadahadlay arrimo la xidhiidh dardar galinta iyo dhameys tirka doorashooyinka daka Soomaaliya.

Wadahadalladaan dhexmaray qaar ka mid ah wakiillada beesha caalamka iyo raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay bogga facebook ee xafiiska raysal wasarae Rooble.

Arrimaha laga hadlay ee dardar galinta doorashooyinka ayaa lagu sheegay in loo wajahay qaab waafaqsan heshiiskii 17-kii September ee sanadkii la soo dhaafay kaas oo ay xiligaa wada gaadheen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada.

Waxaa sidoo kale kulankaan la iskula soo qaaday soo jeedintii guddigii farsamada ee magaalada Baydhabo ku kulmay bishii Febraayo isla markaana soo saaray qodobbo gogal xaadh u ahaa kulan dhex mari lahaa madaxda dowladda dhexe kuwa maamul goballeedyada oo dhan iyo gobalka Banaadir .

Balse waxaa xusid mudan in uu dhacay kulan u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goballeedyada Hirshabeelle,Galmudug,Koofur Galbeed iyo gobalka Banaadir, kaas oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland.

Khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaan ilaa iyo hadda xal laga gaadhin waxaana maalmahaan socday kulamo xubnaha beesha caalamku ay la yeelanayeen mas’uuliyiinta maamul goballeedyada oo Muqdisho ku sugan.

Baaqa Somalia u dirta maamullada Puntland iyo Jubaland.

“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan,si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira” ayuu yidhi Raysal wasaare Rooble.

Dolwadda Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqaday madaxda Maamul Goballeedyada ee ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee arrimamaha doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran.

Hadalkaan ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili ay jirto kala aragti duwanaan ba’an oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

@Bbc Somali