Komishanka oo ka dalbaday shaqaalaha dawladda ee sharraxan inay is-casilaan

0

Hargeysa-(Berberanews)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeeyey in muddada sharcigu u banneeyey inay isku casilaan dadka shaqaalaha dowladda ah darajo kasta oo ay leeyihiin iyo saraakiisha ciidammada ee doonaya inay isku sharaxaan Golayaasha Wakiillada iyo degaannada ay ugu dambayso maanta oo ah (Salaasa, 2 March 2021).

Sida ku cad xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland, waxa la waajibiyey inay isku casilaan muddo 90 maalmood ka hor ah maalinta ay qabsoomayso doorashadu.

Halka ka akhriso qoraalka ka soo baxay komishanka.