Komishanka oo ka hadlay caqabado dub u dhigay natiijada hordhaca ah ee Doorashada

0

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa sheegay in roobab la da’ay Gobollada qaarkood ay xannibeen sanaaduuqdii doorashooyinka.

Guddoomiye Riyo-raac oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in caawa xilliyada danbe ilaa berri ay ku dhawaaqi doonaan natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka Deegaanka.

“Horta waad ogtihiin oo Somaliland roobab laxaadle baa ka da ay, roobabkaasina waxbay ka bedeleen, gaadiid badan oo ay ahayd inay xalay fiidkii dhaqaaqaan way suurtageli weyday, qaarkoodna ilaa hadda way socon kari la’yihiin. Sidaas daraadeed degmooyinku inay mar soo wada daayaan ayaa qurux badnayn, inta badan way dhantahay tirintii goobuhu, in badan oo ka mid ah degmooyinkuna waa dhantahay.” Ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Mr Riyo-raac oo ka hadlayay wakhtiga ay filayan inay ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashada waxaa uu yidhi, “Markaa waxaan rajaynaynaa haddii ay caawa goor danbe noqon weydo inay berri noqoto insha alaa oo lagu dhawaaqo hordhacii ugu horreeyay ee ka soo baxayay degmo doorashooyinka oo wixii ka danbeeyana hore loo sii galo oo tii Baarlamaanka ku dhawaaqisteedii.”