Koobka Qaramada Afrika Oo Furmay, Eq Guinea Iyo Zambia Oo Badiyay, Libya Iyo Senegal Oo La Garaacay.

0

(Berberanews Sports):- Gool soo daahay oo uu u dhaliyay  Javier Balboa kooxda dhinac ka martigelineysa koobka qaramada Afrika Equatorial Guinuea ayaa u sahashay inay hal gool iyo waxba kaga badiyaan xulka Libya ciyaartii ugu horeysay ee lagu furay koobka qaramada Afrika.

Ciyaaryahanka ku dhashay dalka Spain ayaa baas ka helay daqiiqadii 87aad Daniel-Bladimir Ekedo waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubada isagoo dabamariyay goolhaye Samir Aboud, waxaana uu goolkaasi ka farxiyay taageerayaashii soo buuxiyay garoonka kulankaasi ka tirsan Group A.

 

Wax badan ayaa laga hadlay ciyaartoyda wadamada kale ka soo jeeda ee u ciyaarayay Equatorial Guinea, iyadoo shan ka mid ah ay ku soo bilowdeen kulankii Libya: Danilo oo Brazil ka soo jeeda, Fousseny Kamisoko iyo Ben Konate oo labadoodaba Ivory Coast ka soo jeeda, Thierry Fidjue oo Cameroon ka soo jeeda iyo Lawrence Doe oo Liberia ka soo jeeda.

Libya wax dhaawac ah ma aanay qabin waxaana ay garoonka la soo galeen koox xoogan.

Libya ayaana ku bilaabatay si xoogan iyagoo bilowgii ciyaarta ku riyaaqayay kubad heysashada, ka hor inta aanay Equatorial Guinea aysan bilaabin inay ciyaarta xukunto.

Ciyaartoyda Eqautorial Guinea ayaa sidaan ku shaqeystay lacag hal milyan doolar ah oo loo balan qaaday hadii ay ka badiyaan Libya, sidoo kale waxaa 20 kun doolar heli doona ciyaaryahankii goolka u saxeexay  Javier Balboa.

 

 Kulankii labaad ee Group A ayaa waxaa guuldarro lama filaan ah ay soo gaadhay xulka Senegal oo guuldarro 2-1 ah ay ka soo gaadhay Zambia.

Zambia ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay labo gool iyo waxba 20kii daqiiqo ee ciyaarta u horeysay iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Mayuka iyo Kalaba. Senegal ayaa goolkeeda agoonka ah waxa ay heshay daqiiqadii 74aad ee ciyaarta markii uu u saxeexay N’Doye.

Senegal oo aan weligeed ku guuleysan koobka qaramada Afrika ayaa sannadkan ku jirtay xulalka loo saadaalinayo balse waxaa lagu dharbaaxay guuldarro kulankeedii ugu horeysay ee koobka qaramada Afrika.

Group A waxaa hogaanka u heysta Zampia halka kaalin labaad ay ku jirto Equatorial Guinea inkastoo ay seddex dhibcood wadaagaan, Senegal iyo Libya ayaa ku kala jira kaalinta 3aad iyo afaraad iyagoo aan wax dhibic ah laheyn.

Maanta waxaa la ciyaarayaa kulamada Group B:

Ivory Coast vs Sudan

Burkina Faso vs Angola.

Mustafe Maxamud Diiriye

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports