Berberanews- Waxa caawa si weyn dunida looga sugayaa ciyaarta kubadda cagta ee kama dambaysta ah ee koobka horyaalka Yurub.oo ay isugu soo hadheen kooxaha Barcelona iyo Manchester United, waxayna ka dhacaysaa garoonka Wembley ee magaaldan London.
Ciyaartan oo si weyn loo sugayo daawashadeeda waxay bilaabanaysaa sagaalka iyo 45 daqiiqo saacadda Afrikada bari.
Tababaraha Manchester United, Sir Alex Ferguson, waxaa uu sheegay inay dhici karto inuu ka yaabiyo Barcelona inakastoo uu ammaanay tababaraha dhallinta yar ee Barcelona, Guardiola, oo uu sheegay inuu wax badan ku soo kordhiyay qaabka kooxdu u dheesho.
Hadaba, immia jeer bay kooxaha Manchester United iyo Barcelona wada ciyaareen, keebaa se sareeyay?
Labadaan koox taariiqda waxay kulmeen 10 jeer 3 mar waxaa adkaatay United 3 marna waxaa adkaatay Barcelona halka 4 jeerna ay bar bar bar dhac galeen
Markii ugu horeysay labadaan kooxood waxey kulmeen sanadkii 1983-84 waxeyna kukulmeen koobkii la odhan jiray Cup Winners Cup waxaa xusid mudan in labada kabtan ay kala ahaayen Diago Maradona iyo Brayn Robson
Waa kuwan kulamada labada koox sanadka iyo tartanka uu ahaa
1983-84 koobkii Cup Winners Cup:
Barcelona 2-0 Manchester United [1st leg]
Manchester United 3-0 Barcelona [2nd leg]
1991 koobkii Cup Winners Cup Final:
Manchester United 2-1 Barcelona
1994-95 Champions League guruubyada
Barcelona 4-0 Manchester United
Manchester United 2-2 barcelona
1998-99 Championss League guruubyada waxaa rigoore kusoo baxday United
Manchester United 3-3 Barcelona
Barcelona 3-3 Manchester United
2007-08 Champions League Semi-Finals:
Barcelona 0-0 Manchester United [1st leg]
Manchester United 1-0 Barcelona [2nd leg]
2008-09 Champions league Final
Barcelona 2-0 Man United