Kooxda Chelsea oo Heshiis Cusub u soo Bandhigtay Ciyaaryahanka Salomon Kalou

0

Ciyaaraha-(Berberanews)-Chelsea ayaa ciyaaryahanka Salomon Kalou oo heshiiska uu garoonka Stamford Bridge ku joogaa ku dhamaanayo xilli-ciyaareedkan u soo bandhigtay qandaraas cusub oo saddex sanno ah.  

26 jirkan reer ivory Coast oo toddobaadkii mushahar u qaata lacag dhan 80 kun oo Pound, ayay Chelsea u ballanqaaday inay lacagtaas ugu dari doonaan 20 kun oo Pound, haddii uu heshiis cusub saxeexo.

Kalou ayaa markii Chelsea loo dhiibay tababare Villas-Boas ka rajo dhigay inuu dib naadiga ugu ciyaaro, laakiin waxay rajadiisu soo noolaatay intii uu gacanta ku hayey macallinka ku meel gaadhka ah ee Di Matteo.

Kooxaha Arsenal iyo AC Milan, ayaa safka hore kaga jira naadiyada ku hawlan inay laacibkan gacanta ku dhigaan xaggaag foodda inagu soo haya.

Berberanews.com

Barnaamijka Ciyaaraha

Email,info@berberanews.com