Kooxda Jigjiga oo qaadday koobka tartanka Gobollada

0

Kooxda kubadda cagta ee maamulka magaalada Jigjiga ayaa qaadday koobka kubadda cagta ee gobollada iyo maamul magaalooyinka dowladda deeganka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Ciyaarta kama dmabeysta ah oo dhexmartay kooxda maamulka magaalada JigJiga iyo kooxda gabolka Jarar ayaa waxay ku dhammaatay 3-1 oo ay guusha sidaa ku raacday xulka maamulka magaalada Jigjiga.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan daawadayaasha waxay garoonka kubadda cagta ee magaalada Jigjiga iska soo xaadiriyen 3 saacadood ka hor inta ay ciyaartuba billaabmin.

Xulka Maamulka magaalada Jigjiga waxay sidaa kula hoydeen koobkii kubadda cagta ee sanadkan ee 11 Gobol iyo 6 Maamul magaalo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo toddobaadyada ka socday magaalada Jigjiga.

Kaalinta labaadna waxaa tartanka gobollada iyo maamul magaalooyinka deegaanka Soomaalida ka galay Gobolka Jarar, halka kaalinta seddexaadna uu galay Gobolka Faafan.