Kooxda Budhcad-badeeda afduubka ku haysata Markab u raran Somaliland oo madaxfurasho dalbaday, xukuummadda oo ka gaabisay iyo waan waan Odaydhaqameed reer Puntland ahi ku jiraan

0

Berbera-(Berberanews)- Axmed-sayid Muxumed Mirre, oo ah wakiilka markabka MV Layla ee toban cisho ka hor kooxo budhcad-badeed ahi ka afduubeen xeebaha dalka Cumaan, kaasoo ku soo socday dekedda Berbera.

Axmed-sayid oo shalay saxaafadda ugu warramay magaalada Berbera waxa uu sheegay inay dedaalo badan u galeen sii daynta markabkaas oo ay odayaal reer punland ahi isku xilqaameen, haseyeeshee illaa hadda aanay waxba ka suurtagelin isku daygaas, islamarkaana ay kooxda Budhcad-badeedku dalbadeen lacago madaxfurasho ah.

“Ciidanka markabka afduubay waxay isugu jiran qabaa’il, laakiin waxaa maalgeliyay niman u dhashay Puntland, waxannaan ogaanay in markabkii la geeyay Baar-gaal oo Bosaso u dhaw, hawshaas waxa isu xilqaamay odayaal reer Puntland ah oo aanu kala xidhiidhnay. Odayaashaasi waxba illaa hadad uma suurtagelin, dedaalna kuma baaqan.”ayuu yidhi.

Halkan ka dhegayso Shirka Jaraa’id ee Wakiilka Markabka Layla Star.

[audio:https://berberanews.com/wp-content/uploads/2012/02/Wakiilka-Markabka.mp3|titles=Wakiilka Markabka]