Kooxo hubaysan oo muqdisho ku toogtay sarkaal boolis

0

Muqdisho-(Berberanews)-dabley hubaysan ayaa galabta ku toogtay magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsanaa ciidammada Booliska.

Dilka oo ka dhacay xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan, ayay kooxo baaskoolad ku hubaysani ku dileen Mahad Cilmi Cali oo loo yaqiinay Mahad Doolar, oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska.

Dableyda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta ay ku dileen Sarkaalkan.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gaadhay goobta dilka ka dhacay waxayna kasoo qaadeen meydka marxuumka oo aay geeyeen xarunta dambi baarista CID-da.