Hargeysa(Berberanews):- Xisbiga Talada Somaliland haya, ayaa Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha 4-aad ee Xisbigaas oo loo muddeeyey in la qabto Bisha Juun ee sannadkan 2020-ka.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Xarunta Xisbigaas ee Hargeysa, ayaa shaaciyey Magacyada Guddiga qaban-qaabadaha Shirweynaha Xisbiga oo uu sheegay in la qabanayo bisha June ee 2020-ka.