Laascaanood: Dablay hubaysan oo dilay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka

0

Laascaanood-(Berberanews)-Dabley hubaysan, ayaa caawa ku dishay magaalafa Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Cabdirisaaq Axmed Cilmi oo kamid ah Xildhibaanada cusub ee Golaha deegaanka Laascaanood.

Xildhibaan Marxuum Cabdirisaaq Axmed Khaliif  ayaa markii dablaydu u adeegsatay rasaas xiligaasoo uu ku sugnaa meel aan ka fogayn.

Lama aqoonsan ilaa hadda dablayda falka axmaqnimada ah ku dilay xildhibaanka oo markii ay qorshahoodii fuliyeen ka baxsaday goobta.

Magaalada laascaanood, ayaa sanado badan waxay xarun u ahayd dilalka qorsheysan ee lala eegto masuulliyiinta kala duwan ee xilalka ka haya Gobolkaas iyo siyaasiyiintaba.