Line-upka Rasmiga Ah Ee Kulanka Semi-finalka Champions League Ee Bayern Munich v Real Madrid.

0

(Berberanews Sports):- Tababaraha Real Madrid Jose Mourinho ayaa ku soo bilaabay Karim Benzema iyo Fabio Coentrao kulanka ay caawa la ciyaarayaan Bayern Munich.

Tababaraha reer Portugal ayaa ciyaaryahanka reer France ka doorbiday Gonzalo Higuain kaasoo kursiga keydka fadhiya, waxaana Benzema caawinaya Cristiano Ronaldo, Mesut Ozil iyo Angel di Maria.

Difaaca bidix Marcelo ayaa keyd la geliyay, waxaana tababaraha uu xusay Coentrao. Halka Sergio Ramos iyo Pepe ay ka ciyaarayaan booskooda difaaca dhexe.

Tababaraha Bayern Munich Jupp Heynckes, ayaa go’aansaday inuu ku soo bilaabo Bastian Schweinsteiger markii labaad oo isku xigta, inkastoo uu isniintii shaki geliyay inuu ku soo bilaabi doono kabtan ku xigeenkiisa. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa ka garab ciyaari doona booska burburiyaha khadka dhexe Luiz Gustavo.

Toni Kroos ayaa loo xushay inuu ka ciyaaro booska ka danbeeya Mario Gomez, taasoola micno ah in Thomas Muller uu keyd ku bilaabanyo. Arjen Robben iyo Franck Robery ayaa garbaha ka soo caawin doona Gomez.

Bayern Munich (4-2-3-1): Neuer; Lahm, Boateng, Badstuber, Alaba; Luiz Gustavo, Schweinsteiger; Robben, Kroos, Ribery; Gomez

Keyd: Butt, Rafinha, Contento, Pranjić, Tymoshchuk, Olić, Müller.

Real Madrid (4-2-3-1): Casillas; Arbeloa, Ramos, Pepe, Coentrao; Khedira, Xabi Alonso; Di Maria, Ozil, Ronaldo; Benzema

Keyd: Adan, Marcelo, Albiol, Varane, Kaka, Granero, Higuain.

Mustafe Maxamud Diiriye

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports