Lionel Messi: Kulanka Chelsea Waa Uu Ka Adkaan Doonaa Kulankii Levante.

0

(Berberanews Sports):- Ciyaaryahanka ku guuleystay Sedaxda mar ee isku xigta laacibka dunida Lionel Messi ayaa rumeysan in kulanka Chelsea ay dhib badan u mari doonaan Guusha, tiiyoo aan lala Barbar dhigi karin kulankii ay kooxdiisa Blaugrana laba iyo hal ugu awood sheegatay Levante.

Weeraryahanka reer Argentina oo kooxdiisa Barcelona ka caawiyey inay sedaxda dhibcood ka fara maroojistaan Levante, waxa uu aaminsan yahay in lugta hore ee Semi-finalka ee ay la cayaarayaan kooxda mataleysa Premier League ay tahay mid aan la dhayalsan Karin.

“Waa inaan ku soconaa sidaan oo kale,  hada waa waqtigii Chelsea,  Waa ciyaar aad muhim inoo ah,  waxay ka adkaan doonta kulankii Lavente”  Lional Messi ayaa u sheegay Website kooxdiisa,

Messi ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyey 41 La Liga ah isagoo Goal dhalinta kula tartamaaya xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports