Lionel Messi Oo Ka Caawiyay Barca Inay Kabaha la Dul Marto Milan Una Gudubto Semi-finalka Champions League.

0

(Berberanews Sports):- Barcelona ayaa u gudubtay wareega afar dhamaadka ee Champions League ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen Milan kulankii ka dhacay Camp Nou, iyadoo Lionel uu dhaliyay labo gool islamarkaana uu dhigay rikoor cusub mid kalena uu barbareeyay.

Ka dib kulankii lugta hore oo ku dhamaaday goolal la’aan, Messi oo 24 juir ah ayaa rigoore hogaanka ugu dhiibay Barca isagoo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gaaraa 50 gool Champions Legue.

Antonio Nocerino ayaa gool khatar aheyd ugu barbareeyay kooxda reer Italy, lakiin Messi ayaa mar kale gool rikoore ahaa hogaanka ku soo celiyay, iyadoo ciyaaryahanka reer Argentina uu dhigay rikoodh cusub oo gooldhalinta Champions League ah hal xilli ciyaareed ah, isalamarkaana uu barbareeyay rikoodhkii weeraryahankii hore ee Milan Jose Altafini oo 14 gool dhaliyay hal xilli ciyaareed markii koobkaan loo yaqiinay European Cup. 

Waxaana goolkaasi uu ciyaarta ka saaray Milan oo markaasi ka dib aanan sameynin dadaal badan, Andres Iniesta ayaa goolka seddexaad u dhaliyay, iyadoo Barca ay fursado iska qasaarineysay xilliyadii danbe iyagoo raadinayay goolkoodii afaraad.

Milan ayaa dareensan in garsooraha uu gacan ka geystay ka hadhitaankoodii Champions League, iyadoo macalin Massimiliano Allegri uu su’aal ka keenay rikoodhayaasha laga dhigay kooxdiisa, halka Pep Guardiola uu isna sheegay inay u qalmeen guushaan islamarkaana go’aankii garsooraha ee rikoodhayaasha ay sax ahaayeen.

Barca ayaa semi-finalka ku qaabili doonta kooxdiisa maanta soo baxda Chelsea iyo Benfica.

 

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports