Lionel Messi: Waan Ku Faraxsanaan Lahaa Inaan Arko Augero Oo Ku Biiraya Real Madrid.

0

(Berberanews Sports):- Xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa sheegay inuu ku faraxsanaan lahaa inuu arko saaxiibkiisa Sergio Aguero oo ku biiraya kooxda ay ficiltamaan kooxdiisa ee Real Madrid mustaqbalka.

Aguero ayaa ka tagay Atletico Madrid xagaagii hore isagoo ku biiray Manchester City lakiin waxaa aad loola xidhiidhinayay Santiago Bernabeu ka hor inta aanuu u dhaqaaqin Premier League.

23 jirkaan ayaa seedigiis Diego Maradona uu dhawaan sheegtay inay tahay in weeraryahanka uu hal maalin uun u ciyaaro Madrid, Messi ayaana haatan ku taageeray ‘Kun’ inuu Madrid ku biiro.

“Hadii uu ku biiro Madrid waan hubaa inuu ku riyaaqi doono. Hadii waxa ugu fiican ay u tahay, waan ku faraxsanaan doonaa sababtoo ah saaxiibtimada naga dhaxeysa” ayuu Messi u sheegayRadio 9. 

“Si fiican ayaan isku fahamnaa Kun marka garoonka banaanka laga joogo, si fiicana waan u wada ciyaarnaa. Si kastaba Argentina waxaa joogta weeraryahano aad u fiican sidaasi darted waa inaan boosaskeena ilaashanaa”

Messi ayaa sidoo kale ka hadlay inuu doonayo inuu qaado koobka adduunka ee 2014 ee lagu qabanayo Brazil.

“Waxaan doonayaa inaan u dabaaldego koob adduun. Waa waxa kaliya aan doonayo, inkastoo wakhti badan iyo shaqo badan loo baahan yahay”.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports