London: Nin Somali ah oo mindi lagu dilay

0

Nin Soomaali ah ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay xaafadda Leyton ee bariga magaalada London ee dalka UK, oo Soomaali badan ay dagan tahay.

Ninkan oo lagu weeraray mindi ayaa geeriyooday kadib markii kooxaha gurmadku ay la gaadheen cisbitaal aan ka fogayn goobta uu dilku ka dhacay.

Booliska London ayaan wali shaaca ka qaadin magaca qofka la dilay ee Soomaaliga ah iyadoo dilka dhacayna uu qeyb ka yahay weerarada mindiyaha ee muddooyinkan kusoo badanayey London.

Todobaadkan oo kaliya waxaa dhacay 7 dil oo loo adeegsaday mindi, sida ay booliska London sheegeen.

Hadaba Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo VOA ka tirsan ayaa khadka taleefanka kula xidhiidhay Bashar Cabdirisaaq oo ah goobjooge aad ugu dhowaa goobta uu ka dhacay dilku, waxaana uu ku bilaabayaa wixii uu arkay.

Dhegaysi wacan