London oo lagu arkay taallo lagu muunaynayo Sadaam Xuseen

0

Dadka degan xaafad ku taal London ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay in xaafadooda laga taago qoraal xusuus ah oo lagu xusayo madaxweynihii hore ee Ciraaq, Sadaam Xuseen.

Qoraalkaas xuska ah oo ku xardhan bir naxaas ah ayaa laga taagay mid ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ee xaafadda Winstead ee duleedka London. Waana “qoraal lagu muujinayo kalgacal loo qabo Sadaam Xuseen” kaas oo lagu muujiyey taariikhdii uu dhashay ee 1937 iyo taariikhdii la dilay ee 2006.

Qoraalkaa xuska ah ee halkaa laga taagay ee lagu muunaynayo keligii taliyihii hore ee Ciraaq waxa uu ka cadhaysiiyey dad badan oo ka mid ah kuwa xaafadaa degan.

Wargeyska The Independent ayaa soo xigtay haweenay 38 jir ah oo halkaa ku nool in ay tidhi “run ahaantii aad baan u argagaxay. Hooyaday oo na soo booqatay baan la socday markaas uun baan isha ku dhuftay qoraalkaas, run ahaantii aad baan u dhibsaday, waxaanan isku dayey bal inaan hubsado in waxaan arkayaa dhab yahay iyo in kale”.

Waxaanay hadalka ku dartay “waxaan is idhi malaha maaha waxaad mooday laakiin waxa aan aad uga cadhooday waa markaan hubsaday inuu yahay xaqiiq. Waxaan aaminsanahay in noloshii qof waxaas oo dhibaato ah baday dadka kalgacal loo muujiyaa in ay tahay arin fool xun. Hadii se ay maadaysi tahay xataa maaha wax lagu qosli karo”.

Xigasho Bbc Somali