M. Biixi oo Subeer Awal u caddaalad samayn waayay miyay Somaliland ka sugaysa cadaalad?

0

Hargeysa-(Berberanews)-Shacabka Somaliland waxa inta badan ay maqlaan magaca Suber Awal ayaa xil loo magacabay ama jagadaas haya, hadaba waxa Beesha Suber Awal oo ka kooban laba reer, Sacad Muuse iyo Ciise Muuse.

waxa xilalka inta ugu badan quu u magacaabay madaxweynuhu ama haya beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Muuse Biixi ee Sacad Muuse. Hasa yeeshe shacabka Somaliland way isku qaadan magaca guud ee Suber Awal iyada oo la kala badsado, manfaca iyo magacaabistaba 

Hadaba, Madaxweyne Muuse Biixi oo shacabka Somaliland ka sugayaan in uu u cadaalad sameeyo, waxa uu u caddaalad samayn waayay beesha Suber Awal isaga oo xilalkii qaranka ku taxay reerkiisa Sacad Muuse.

Gobolka Saaxil waxa uu dulmane u noqday magac aanu waxba ku qabin oo ay bulshada Somaliland u qabaan in ay xilalkii qaranka wada qaateen.

Madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta gobolka Saaxil, waxa ay noqdeen kuwo u sacab tuma Madaxweyne Muuse Biixi una sheegi kari waayay cadaalad darada ka jirta Beesha uu odayga u yahay ee Suber Awal.

Shacabka Somaliland maanta markhaati haka noqdaan, cida ay u tuhmayaan in ay wada qaateen xilalkii qaranka, madaxweyne Muuse Biixi iyo beeshiisu waxa ay wada qaateen xilalkii ugu badnaa ee qaranka oo uu u cadaalad samyn kari waayay Beesha Subeer Awal.

Halkan hoose ka akhri liiska ay kala leeyihiin beelaha Sacad Muuse iyo Ciise Muuse.

Beesha Sacad Muuse

1. Madaxwaynaha Somaliland
2. Gudoomiye ku xigeenka Maxkamada Sare
3. Wasiirka Bosaha, Isgadhsiinta & Teknolojiyad
4. Wasiirka horumarinta Khayraadka Biyaha
5. Wasiir Ku Xigeenka wasaarada Qorshaynta
6. Mareeyaha Hay`ada Hawada iyo Madaarada
7. Guddoomiyaha Hay`ada & Kaydka Raashinka Qaranka
8. Guddoomiyaha gobolka Saaxil
9. Guddoomiyaha Gobolka Selel
10. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodijeex
11. Safiir ku xigeenka Ethiopia
12. Safiirka Dalka Jabuuti
13. Safiirka Dalka Taiwan
14. Agaasimaha guud ee Madaxtooyada
15. Agaasimaha guud ee wasaarada caafimadka
16. Agaasimaha guud ee wasaarada Caddaaladda
17. Agaasimaha Guud ee wasaarada Maalgashiga
18. Agaasimaha Guud ee wasaarada Shaqada & A/Bulshad
19. Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe
20. Agaasimaha Guud ee Mihnadleyaasha Caafimaadka
21. Gudoomiye ku xigeenka Hay’ada Dhowrista tayada
22. Gudoomiayah wargeyska Dawan
23. La Taliyaha madaxweynaha ee Amniga
24. La taliyaha madaxweynaha ee Sharciga
25. La taliyaha madaxweynaha e Dhaqaalaha
26. La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Sooomaaliya
27. La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Carabta
28. Maayarka Caasimadda Hargeisa
29. Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka
30. Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka
31. Taliye ku xigeenka Sirdoonka Qaranka
32. Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka
33. Wakiilka Somaliland ee Finland
34. Chief of Staff ka Xafiiska madaxweynaha
35. Madaxa ilaalada madaxtooyada
36. Garyaqaanka Guud ee Qaranka
37. Madaxa Maaliyadda ee Madaxtooyada
38. Taliyayaasha 18 hoggaan oo ciidamada ah.
39. La taliyeyaasha wasaaradaha warfaafinta, arrimaha dibedda, arrimaha gudaha iyo beeraha
40. Wakiilka Somaliland ee Norway
41. Wakiilka Somaliland ee Holland
42. Wakiilka Somaliland ee Biljamka
43. Wakiilka Somaliland ee Sweden
44. Wakiilka Somaliland ee Denmark
45. Gudoomiyaha komishanka Tamarta

Beesha Ciise Muuse

1. Wasiirka Maaliyadda
2. Wasiirka Gaadiidka & Hormarinta Waddooyinka
3. Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka
4. Agaasimaha Guud ee Qorshaynta Qaranka
5. Agaasimaha Guud ee Waxbarashada
6. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
7. Taliye ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland
8. Maareeyaha Dekeda Berbera
9. Guddoomiyaha Gobolka Saraar
10. La taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.