M Biixi: Qirashada Guushii Mucaridka iyo Hiigsiga Himilo wada-jira

0

Hargeysa-18-09-2021-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horraysay hambalyeeyay guushii ay Xisbiyada mucaaridku kaga itaal roonaadeen Xisbigiisa Kulmiye.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in mucaaridku guulo wax-ku-ool ah ka soo hooyeen doorashadii dalka ka dhacday, waxaannu hadalkan ka jeediyay madal uu maanta kaha qeyb-galay Xaflada Qalin-jabinta  dufcadii 18aad ee Jaamacada Hagreysa  oo ay ka qalin-jabiyeen 1,157-Arday kuwaasi oo dhamaystay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacada.

Qirashada Guushii mucaaridka 

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda, mucaaridku markasta wuxuu tirsanayaa inaanu waxba haynin in la riixayo in la gacan bidixaynayo waxaan aad ugu mahad naqayaa inay soo adkaysteen, doorashadii aqbaleen oo ay soo galeen waliba ay guulo gaadheen oo xilkii nala wadaagaan oo ay qeybtooda hayaan oo aan leeyahay waxaa laynaga wada rabaa intaad haysaana inay wanaag muujiso, wax ka fiican waxaanu hayno inaad keentaan baanu idinku dhiirinaynaa dalkana aan wada dhisno, sidaas uun baan horumar ku gaadhi karnaa”

 Dimuqraadiyadda Somaliland 

 “Walaalayaal in shaqo la helo in caafimaad la helo  in horumar la helo waxay ku xidhan tahay in talo wanaagsan la helo, talada wanaagsan ee maanta Somaliland maraysaa waxaa weeye, sannadka u danbeeyey guulaha Somaliland ay gaadhay waxa kamida inay maanta halkan wada joogaan oo ay tartan galaan oo ay kala badiyaan oo ay haddana is hambalyeeyaan, Axsaabta Somaliland iyo madaxdoodu iyagoo walaalo ah oo midaysan oo dalka hoggaaminaaya, in badan oo jaarkeena ah ama Geeska Africa ah ayaan taa haysan murcaarid iyo muxaafid waa wada Somaliland”.

Hambalyada Ardayda

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu horaynba hambalyo u diray ardayda  kala duwan ee dhamaysatay kulliyadaha waxbarasho waxaana uu yidhi Madaxweynuhu “Waxaan hambalyeynayaa ardayda qalin-jabinaysa, waalidka kusoo tabcay bahda waxbarashada gaar ahaan Jaamacada Hargeysa iyo Madaxdeeda oo dhan, waxaan ku hambalyeynayaa Xaflada qiimahaa leh (1,000) kun Jaamici ee maanta kusoo kordhay aqoonyahanka Somaliland ee Hambalyo”.

Dardaaranka Da’yarta

“Dhammaanteena waxaa laga rabaa gaar ahaan da’ayarta inaanay marmarka qaarkood xafiiltanka siyaasada ku qaldamin ee yoolkeenu ahaado Somaliland mid ah, horumarta, walaalnimo oo aan kala qoqobnayn, haddaad taariikhda dib u raacdo Somaliland markasta oo marxalad adagi ku timaado Ilaahay wuxuu waafajiyaa talada toosan”.

Geba-gebadiina Madaxweynuhu waxa uu Shahaadooyin iyo Billado guddoonsiiyey Ardaydii horumuudka u ahayd Kulliyadaha kala duwan Jaamacada. Sidoo kalena waxa uu dhagax dhigay dhismaha xarunta akhriska jaamacada Hargeysa oo ay dawladda hoose Bixinayso kharashka ku baxaya, waxaanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme dabaq ah oo ay shirkada Somtel u dhistay una qalabaysay Jaamacadda Hargeysa oo ah laab.

Halka  ka daawo muuqaallada qalinjebinta