“Ma Jirto Doorasho Dhacaysa 2019-ka…” Jamaal Cali Xuseen + Video

0

Hargeysa (Berberanews) – Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inuu aamisan yahay in aanay Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannadu aanay qabsoomayn sannadkan gudihiisa.

Jamaal oo lagu waraystay Hargeysa, ayaa sheegay in Muddo-kordhintii Toddobaadkan ay Guurtidu u samaysay Golaha Wakiilladu ahayd mid lagu saleeyay Masaaliix, maaddaama buu yidhi Golaha Wakiillada ee loo kordhiyey laftooda laga rabo inay ansixiyaan Xeerar muhiim u ah doorashada, laakiin aanay waxba qabanayn, maaddaama oo ay dantooda eeganayaan.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan hoose ka Daawo