Ma metelo Somaliland Xil-dheefsade Niqaabani

0

Qore.Saleeban Kalshaale

Arbacadii Shalay oo ku beegnayd 29/09/2021 waxa Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ka dhacday munaasibad ceeb, faddeexad iyo cay ku ahayd Dadka ku hadla afka Soomaaliga iyo garaadka aadamaha, taasoo lagu micnayn karo mid kamida sheekooyinka xigmad la’aanta ku dhisan ee adduunka lagu jilay sanadkan 2021.

Waxa hool ku yaalla Magaaladaasi oo ay ilaalinayaan Ciidamo Afrikaan ah lagu xereeyey Dad kooban oo isugu jira Ashkhaas dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo doonayey inay xil-dheefsadeyaal ka noqdaan Maamulka Soomaaliya, gaar ahaan golaha ay ugu yeedhaan aqalka sare ee baarlamanka dalkaasi iyo tiro dad ergo ah oo u badan reer Banaadir, kuwaasoo u kala codaynayey xubnaha isu soo sharaxay xil-dheefsadeyaasha ku qadhaaban doona afarta sannadood ee soo socda magaca Qaranka iyo umadda Somaliland.

Arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in Dadka codaynayey rag iyo dumar ay niqaab xidhnaayeen oo ay ka dhuumanayeen Kamaraddaha Telefishanka oo toos looga daawanayey. Raggu si aan wajigooda loo garan ayey xidhnaayeen laba af-saab oo ay wajiga iyo afka iskaga dabooleen, halka Dumarkuna ay sidaas si lamida u dhuumanayeen. muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ayaa lagaga maadsanayey mowduuca codbixiyeyaasha niqaaban ee ay hoolka ku soo xeraysteen Cabdi Xaashi Cabdi, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo magaciisiyada kale ee waadaasha ah.

Dhuumashada dadka codaynayey waxay ka turjumaysaa xaqiiqada qadiyada meel la’aadka ah ee la metelayo iyo xaaladaha xaasaasiga ah ee ku xeeran.

sidaasoo ay tahay, Tani waa cajalad ka socotay dalka Soomaaliya tobanaankii sannadood ee u dambeeyey oo iyadoo la casriyeeyey ceebteedase xambaarsan dib looga daawanayo caalamka iyo geyiga Somaalida oo dhan usbuucyada soo socda, waana doorashada codbixiyeyaasha niqaabka xidhani dooranayaan xil-dheefsadeyaasha bilaa metelaad ah.

waayo? Soomaali oo dhami way ogtahay, adduunkuna wuu ka warqabaa in aanay Siyaasad, maamul, dhaqan iyo masiir toona ku metelin dadka reer Somaliland kuwa caloolshooda u shaqaysteyaasha ah ee ay tirada ku buuxsadaan Dawlad u eegta Soomaaliya oo mar kasta oo ay maamul cusub yabyabayaan soo xusha xubno damiir laaweyaal ah oo ay ku sheegaan inay metelaan Gobolada Waqooyi, Somaliland amma dad ay magacyo kale oo samays ah u yaqaanaan.

Sheegashadan ku dhisan heshiisyada Qawlaysatada Xamar iyo xoogsatada la joogtaa waxay ahayd arrin caado iyo dhaqan noqotay oo ay ka waantoobi waayeen, labada dhinacba, kuna ah nusqaan iyo ceeb dul-hoganaysa Maamulka gacan ku rimiska ah ee Soomaaliya, qaybna ka ah sababaha ay uga dhismi wayday Dawladnimo buuxda oo xasuuqa, qaxa, burburka, balanbalka iyo bayhoofka ka saarta umadda reer Soomaaliya ee 30-kii sannadood ee la soo dhaafay Mushkiladaha silsilada ah la-dalaa-dhacayey.

Riwaayada Soomaaliya jisho ee qoondada kuraasta Somaliland taariikh ahaan waxay ku bilaabantay in dumarka ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland ee Dhaxdinta ku joogay Muqdisho lagu fadhiisiiyo tiro kamida Kuraasta Baarlamanka Dalkaasi, waxaanay sheekadaasi ahayd mid ka soo unkantay burburkii kaddib, shirarkii u horeeyey ee loo qabtay Kooxihii Soomaaliya ku dagaalamayey, iyada oo sababta Gabdhaha reer Koonfurku qabaan loogu cumaamadayey kuraasta qoondadaasi ah looga dan lahaa in Maamulladdii dibada loogu soo dhisayey loo eekaysiiyo Dawladdii Jamhuuriyadda Soomaali ee ka koobnayd Somaliland iyo Soomaaliya Italy, israacaasoo fashilmay, isla markaana meesha ka baxay 1991-kii markii ay Somaliland xornimaddeeda la soo noqotay.

Waxa kale oo iyaguna Kuraasta ku qadhaaban jiray shakhsiyaad rag ah oo laga soo dhex kaxaysan jiray dalalka Shirarka lagu qaban jiray ama Muqdisho dhexdeeda, kuwaasoo xaqiiqsanaa in aanay Somaliland wax metelaad ah ka haysan, isla markaana aan shuqul iyo shaqo ku soo darsan jirin arrimaha Somaliland.

Ilaa iminka oo ay Muqdisho ka socdaan Doorashooyin casri-jaahili ah oo dalkaasi lagu dooranayo Goleyaashiisa, waxa Kuraasida tiro-buuxsiga ah ee reer Somaliland lagu masabido ku hirdamaya jileyaal nolol-raadis ah oo kooban, kuwaasoo cay iyo ceeb joogta ah kala kulma reer Xamarka u isticmaalaya baabi’inta qarankooda.

Si kastaba ha ahaatee, Qaranka Somaliland marna qayb kama noqon, metelaadna cid uguma wakiillan, wufuudna ugama qaybgelin, mana farogelin madalihii beesha Caalamku ay Kooxahaas Soomaaliya ugu qabteen kulamadii madhalayska ahaa iyo kuwii dawladdaha magac-u-yaalka ah lagu soo cantatabay, sidoo kalen marna ma dhicin wax heshiis ah oo af iyo qoraal toona Somaliland iyo Soomaaliya ku gaadheen inay ka dhaxayso Dawladnimo, waxaana taas cakiskeeda Somaliland mar walba dunida iyo dalalka gobolkaba u sheegaysay inay tahay qaran madaxbanaan oo aanay waxba ka dhaxaynin Soomaaliya, go’aankaasoo ay tixgeliyeen Dawladdo badan oo Caalamka ah, sababna u noqday inay wadamada Taageerada siiya Soomaaliya ku dhici waayaan inay Somaliland ku muslaxaan ama ku cadaadiyaan ama ay sida maamul-goboleedyada kale ugala hadlaan qadiyada Soomaaliya.

Sidoo kale, ka madaxbanaanshiyaha Somaliland ee Soomaaliya oo ah qadiyd aan doodi ka taagnayn, waxa caddeyn u ah wada-hadalladii dunidu dhexdhexaadinaysay ee uu ajandahoodu ahaa sidii ay labada dhinac uga heshiin lahaayeen nooca uu noqonayo xidhiidhkoodu mustaqbalka, taasoo marka laga yimaado wax kasta oo ay iska indho-tirayaan fidmo-wadayaashu ah qodob tilmaan u ah soohdinta labada dal ee halka looga dhaqaaqayaa tahay hal-xidhaalaha maqan.

Runi meesheeda weeyaane Somaliland hore iyo dambeysoba shaki, dareen iyo sas toona kama qabto khayaali iyo gorayo-khaakhlaynta ka socda Xamar ee aan dhaafsiisnayn dhismeyaasha ay Ilaaliyaan Ciidanka Midowga Afrika, waxaanay mowqifkeeda ku aaddan been-abuurka laga samaynayo u gudbisay goleyaasha caalamka, gaar ahaan jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamka. hase yeeshee waxa ay isweydiintu tahay goorma ayey dadka reer Soomaaliya ka gilgilan doonaan riwaayada aan xaqiiqada ku fadhiyin ee lagu dheelayo masiirkooda dawladdeed ee ka maqan 30 ka sannadood?

Waxa kale oo ay isweydiinta kale tahay sababta ay xafiisyada qaramada midoobay ee maamula Doorashada dalkaasi umadda Soomaaliyeed ula sii daba joogaan luggooyada iyo leel-leellinta Maamul iyo Siyaasaddeed?

Ugu dambeyn, Qaranka Somaliland, shacab iyo dawladba uma sii dulqaadan karo xad-gudubyada siyaasaddeed ee Soomaaliya kaga socda, mana aqbali doono sii socoshada mu’aamaradaha lagu gacan siinayo dalka ay utumuhu ka dhexeeyaan afduubka ku jira, waxaana iman doonta xilli ay Jamhuuriyadda Somaliland qaado talaabooyin aanay mahadin kuwa magaceeda ku dheeldheelayaa.

W/Q. Saleeban Cabdi Cali (kalshaale)