“Maamul wanaagu waxa uu maanta muujiyey in wakaaladdii biyuhu isbixiso..”Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland

0

Somaliland-06-May-2012-(Berberanews)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku faanay maamul-wanaag xukuummaddu sammaysay inuu u suurtageliyay dayactirka qaar ka mid ah adeegyada arrinmaha bulshada.

 Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta xadhigga ka jaray dhismayaal cusub ee lagu soo kordhiyay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa sheegay  in dhaqaalaha lagu dayactiray dhismayaashan ay bixisay wakaallada, oo ay u suurtagelisay maamul-wanaag xukuummadda Somaliland sammaysay.

 “Farxad ayay noo tahay in cidii masuuliyada wakaaalada saarney ay ka soo baxdo, waxaa kale oo farxad ay u tahay dadweynaha reer Hargeysa oo arkaya in adeegii loo qabanayay uu soo hagaagayo oo welwelkii ka baxayo, markii aanu xilka lawareegnay melaha biyaha laga soosaaro waxaanu ugu nimid min hal mishiin waxaana yaalay welwel weyn oo ah hadii mishiinada biyaha soosaaraya uu midi fadhiisto halsaac ay dadka dhibaato soo gaadheysay. Lacagta lagu horumarinayo wakaalada Biyaha wey jirtey markii horeba biyahana waa laga soo saarayey ceelasha, hadana markasta dhibaato biyo la’aaneed ayaa jirtay. Maamul wanaagu waxa uu maanta muujiyey in wakaaladii biyuhu isbixiso oo ay waliba wixii ay hay’ad ka dooneysay ama dowlada dhexe ugu cabanaysay ay iskaga filnaato oo mashiino waaweyn ay soo iibsato,”

 

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim SiyaadYoonis, oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in waxyaabo badan ay ka qabteen adeegyada Shaqo ee Waakaaladda Biyaha, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa   “Wax yaabaha aanu ka qabanay wakaalada Biyaha Hargeysa iyo mishiinada aanu soo kordhinayba cid naga caawisay majirto, waana lacagtii ay wakaaladu ka ururineysay dadweynaha reer Hargeysa ee ay biyuhu ugu jiraan oo aanu sifiican aanu u illaalinay ayaanu howshan ku qabanay oo cid kale oo howshan waxnagala qabatey majirto. Mishiinadan cusub waxaan ugu talagalnay inay noqdaan qaar keyd ah kuwaasi oo naga caawinaya in markiiba ay shaqeeyaan sadex mishiin mudo laba iyo toban saacadood ah, waxaana laga gamayaa werwerkii inaga hayey biyaha, habka imka jiraana daryeel fiican ayuu heleyaa.”

 

Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi “Farxad weyn ayay noo tahay inaan kala soo qeyb galno wakaalada Biyaha Hargeysa sida ay u muujineyso waxqabadka weyn ee dalka ay ka qabatey hadey tahay barked keydka biyaha Hargeya deyrka ay ku wareejisay, hadey tahay mishiinada ay wakaaladu soo iibisey iyadoo aaney wax gacan ah ka helin wassarada maaliyada ama xukuumda dhexeba. Waxa kaliya ee aanu ku saacideynaa ay tahay in canshuur dhaaf u sameyno. Siduu Alle Quraankiisa kusheegay Biyaha waxa u baahan sheykasta oo nool, cida Biyaha inoo heysa maamulkooda waa cid howlweyn inoo heysa, waxan ognahay in wakaaldu horumar balaadhan ka jirto, mudadii ay jirtey xukuumada Kulmiye meelaha laga akhrisan karo waxqabadkeedana wey ku jitaa, waxaanan ku hambalyeynayaa ilaalinta ay ilaliyeen dakhliga iyo horumarka ay wakaalada gadhay, wasaarada maaliyaduna wey labarbar taagan tahay waxkasta oo wakaaladu ugu baahato.”

Berberanews.com

info@berberanews.com