Maareeyaha Dekedda Berbera oo markii ugu horreysay sheegay inay bilaabayaan Kulliyaddii Culuunta Badda

0

Berbera-(Berberanews)- Maareeyaha Dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor) , ayaa sheegay inay markii ugu horreysa bilaabayaan Kulliyaddii Culuunta Badda oo muddooyin fara-badan xidhnayd, waxaanu sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u imanayaan macalimiintii waxa ka dhigeysay ee magaalada Berbera, isaga oo dadka reer Saaxil ugu baaqay inay waxbarashada wixii doonaya ay soo doontaan.

Maayeeraha Dekadda Berbera oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigu Jaamacada waxaan ka tagay iyada oo  bilow ah markii hore, waxanaan rajanaynaa inay si dhaqso ah haddi alle idmo u yimaadaan kii waxbaranaya iyo kii barayey ”Ayuu yidhi Eng Cali Xoor Xoor

Maareeyaha Dekadda Berbera  Cali Cumar Maxamed ( Cali Xoor-xoor) waxaa uu tilmaamay inuu rajaynayo inay noqoto Jaamacada Culuunta Badda ee magaalada Berbera mid midho dhal ah kana faa’iidaystaan dadka reer Berbera.

Dhinaca kale, Maareeyaha oo ka hadlayay munaasibad lagu qabtay hoolka jaamacda ee Magaalada Berbera ayaa tilmaamay inuu rajaynayo inay soo noqdaan badeecado badan oo dekadda Berbera aan hore u soo mari jirin.

Guntii iyo gebgabadii ayay dhawaaqan ay soo dhaweeyeen dad badan oo rajanaya inay wax ka bartaan kuliyada culuunta badda  ee magaalada Berbera oo muddo albaabada u laabnayd tan iyo intii la bilaabay dhismaheeda oo aan hane qaadin, waxaa aanay dadka reer Berbera rajaynayaan in kuliyada culuunta badda ee Berbera inay noqoto mid dadka reer Saaxil ama guud umadda reer Somaliland anfacda oo wax badan u tarta, ka dib marxalada badan oo fadhiid ah oo ay ka soo gudubtay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.