Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka badbaaday qarax

0

MOGADISHU-(Berberanews)-Maareeyaha dekedda magaalada Muqdisho Axmed Washington ayaa maanta ka bad-baaday qarax ka dhacay meel u dhow Isbitaalka Naasareeto ee magaalada Muqdisho.Qaraxan waxaa ku dhaawacmay laba ka mid ah ilaalada maareeyaha.

Qaraxan ayaa dhacay xilli fiidnimadii xalay uu qarax uu fuliyey qof ismiidaamiyay ay ku dhinteen 8 dhallinyaro ah oo ku sugnaa maqaaxi caan ah oo ku taalla magaalada.

Hallan ka dhegayso warbixin Wariyaha VOA Cabdulqaadir Cumar Cabdulle ka diyaatiriyay.