Maareeye-Xigeenkii cusbaa ee Dekedda Berbera oo diiday inuu xilka la wareego

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxeeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa 17kii Bishan aynu ku jirno u magacaabay Cali Siciid Saleebaa (Cali Geenyo) inuu noqdo Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera oo uu hore u ahaa Cumar Aobokor Jaamac oo hadda xidhan.

Haseyeeshee Maareeye Xigeenka cusub ee Madaxweyne Biixi magacaabay ayaa la sheegay inuu diiday inuu la wareego xilkaas.

Warar xog ogaal ah oo Berberanews heshay ayaa sheegay in go’aanka diidmada ahi ee ka yimi Maareeye xigeenka cusubi uu salka ku hayo khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Cabdi oo ay isku jufo yihiin Maareeye Xigeenka cusub.

Xogtu waxay intaa ku dartay in Masuulka cusub ee loo magacaabay Dekedda Berbera ay cabasho ka muujiyeen Jufada Maareeye ku xigeenkii hore ee Dekedda Berbera Cumar Abokor oo dega Gobolka Saaxil, sidaas daraadeedna aanay cadaallad abayn in jufo kale la siiyo mansabka ay iyagu xaqa u labaayeen.

Halkan ka akhriso war-saxaafadedkii Madacweynaha Somaliland ku magacaabay Maareeye-xigeenka Dekedda Berbera Cali Siciid Saleebaa.“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Cumar Abokor Jaamac;

Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland

Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland.”