Madaarka Hargeysa oo lagu rakibay qalab wax weyn ka tari doona ammaanka Qaranka

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaarka caasimadda Hargeysa ee Cigaal, ayaa maanta markii u horraysay lagu rakibay qalabka ammaanka casriga ah ee madaarada adduunku ku shaqeeyaan oo lagu baadho agabka dadku sitaan.

 Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in qalabku wax weyn ka tari doono guud ahaan ammaanka qaranka, isagoo faahfaahin ka bixinaya waxa uu yidhi, “Waxa maanta madaarka caasimada ee Cigaal International Airport lagu dhamaystiray qalabkii casriga ahaa oo baadhaya Shandadaha iyo dadka, kaas oo xoojin doona amaanka dadka dhoofaya, kuwa soo degaya iyo guud ahaan amaanka qarankaba”.ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo hawadu Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Wasiirka Duulista oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Hawshan mudo dheer ayaanu soo wadnay waxaana aad nooga caawisay dawlada dalka ingiriiska oo aanu aad ugu mahad naqayno, qalabkana waxa loo tababaray dhalinyaro jaamiciyiin ah kuwaas oo iyagu ku shaqayn doona.”

Wasiir Xaashi waxa uu ka hadlay dayactirka ka socda Madaarka iyo doorka xukuummadda, “Hawlahan dhinaca amaanka iyo dhismayaasha ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magalada hargeysa xukuumada Somaliland way ka qayb qaadatay maalgelintooda taas oo ilaa iyo intii ay xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka la wareegtay aan mar kaliya la joojin dhismaha madaarka, haatana maraya meel fiican iyada oo dhismayaal badan lagu soo kordhiyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarku,”ayuu tilmaamay Wasiirku.


Wasiirku waxa uu intaa ku daray inay xukuummadu dhawaan soo saari doonto digreeto lagu wargelinayo dadka ajaabinka ah iyo kuwa dalxiisayaasha ahiba inay madaaradda dalka ka goosan karaan fiisayaasha dal-ku-galka. “ Dhawaan wasaarada arrimaha guduhu waxay soo saari doontaa wareegto taas oo wasiirka arimaha guduhu ummada ugu sheegayo in dadka u imanaya dalkeena dhinaca dalxiiska aan lagu khasbi doonin inay fiiso ka dalbadaan dalka balse laga siin doono laanta socdaalka ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, adeegyadaas oo dhamina waxay la xidhidhaaan inay madaaradeena ka dhigaan kuwo casri ah oo la jaan qaadi kara kuwa dunida.”  Ayuu yidhi Wasiirka Duuliska Hawadu.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

info@berberanews.com

editor@berberanews.com