Madaxda Dhaqanka Beesha Koonfurta Gobolka Saaxil oo Digniin ka soo Saaray Muranka Wershadda Sibidhka Berbera

0

Berbera-(Berberanews)- Madax-dhaqameed, Wax-garad, Siyaasiyiin, iyo qaar ka mid ah Mujaahidiintii SNM kana soo jeeda Beesha Muuse Cabdalle ayaa mawqif adag iska taagay murranka iyo khilaafka ka aloosan Wershadda Sibidhka ee Berbera, sidoo kalena waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen go’aanada aan laga tallo-gelin ee ku saabsan khayraadka Gobolka Saaxil.

Sidaana waxay ku sheegeen Shir-Saxaafadeed ay  maanta ku qabteen Hoteelka Xayaad ee magaalada Berbera. Xubnaha Kulanka ka hadlay oo u badnaa Cuqaasha Beesha Muuse Cabdalle waxa kale oo baaqooda ay ku caddeeyeen in aan waxba ka socon doonin dib-u-dhiska Wershadda haddii iska dhego-tirto hadalladooda, iyaga oo sidoo kalena xaaraan aan la aqbali karin ku tilmaamay in hantida Qaranka lagu raalli-geliyo shakhsiyaad ama kooxo gaar ah. Baaqan Beesha Muuse Cabdalle oo kusoo beegmay xili Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Daakhigu ay Gobolka u joogaan xal u helida xiisada ka dhalatay Magaalada Berbera.

Ganacsade Maxamed Jaamac Cabdillaahi (Jikaar)  “..Haddaanu nahay beesha Muuse Cabdalle oo ka mid ah beelaha Deegaanka Saaxil waxaanu ka hadlaynaa arrimahan aanu beryahanba maqlaynay eek u saabsan dhismaha Wershada Sibidhka, waxa weeye beeshu markay shirtay waxay soo saartay go’aankan aanu ku sheegi doono Shirkan Jaraa’id; Diyaar uma nihin in deegaanka Gobolka Saaxil ee ay Beeshu degto maalin walba laba beelood ku murmaan, waxaanu beel intii ilaahay abuuray ku dhaqnayd Gobolka Saaxil, Sidaa darteed qaybtayada ayaanu ku leenahay wax kasta oo laga qabanayo Gobolka, hadaan u baydho qaybta Wershadaha waxaanu leenahay Wershadaha cid gaar ah lama siin karo, qof gaar ahina keligii ma samaysan karo, Wershada meesha ka samaysani waa Wershadii ay Dawladii burburtay ee Soomaaliya samaysay, ta meesha laga samaynayo iyada ayuun baa dhashay, Wershada ummadda ayaa wada leh oo ay ka dhaxaysa, deegaanka Saaxil bayna ku taalla, Markaa waxaanu diyaar u nahay dad ay ka dhaxayso Shuraako oo saami ku qaybsada, Ninkii kari karayey inuu wax ku darsado wey u furan tahay, waxa weeye yaan cidi ku murmin oo ha laga wada hadlo. Sida beeshani soo saartay waa sidaa  Annaga oo aan xumaana u jeedin, cid gaar ahna u jeedin, haddiise ay sidaa noqon weydo waxba la samayn maayo…”.

Sidoo kale isaga oo ka hadlaya dhinacyada ku mursan dhismaha Wershada cusub ee Berbera, waxa uu yidhi; – ‘’…Labadiina beelood ee murmayoow annaga oon idinla joogin waxba ha murmina, miyaan dad kale meesha ku noolayn, haddii arrin Gobolka Saaxil laga qabanayo waxaanu nahay beesha labaad ee deegaanka ta koowaad-na waanu u ogol nahay, arrimaha noocaas waa in aynu isaga nimaadnaa oo ka shirnaa oo ka arrinsanaa.. Dawladu tallo wey ku dhex joogi kartaa waxa ka arrinsanayaa waa in ay noqdaan dadka Deegaanka ku dhaqan iyo dadka damaca leh ee doonaya inay wax samaystaan..”.

Caaqil Xasan Haybe Nuur; “Ujeeddada keliya ee Shirku waa Deegaanka dalka iyo Khayraadka Dalka ee laga hadlay, Beeshuna waa Deegaanka Gobolka Saaxil Beelaha Dega, waxaanu leenahay ‘Gun-Jeexo Geel Wax Gunti la Geliyo wey ka weyn tahay’ – waayo marka laga hadlayo khayraadka Dalka iyada oo la wada leeyahay hadana waxa xaq u leh inay ka hadlaan deegaankiisa, haddaba waxaanu leenahay arrinkaa socda ee halkaa gaadhay ilaa markii la soo bilaabay iyo maalinkaa Maanta ah wax tallo iyo arrin ah oo Beesha laga siiyey ma jirto, raalina kama nihin tallo la’aan iyo in dushayada wax lagu qaybsado marka khayraadka Deegaanka laga hadlayona diyaar uma nihin..”.

Caaqil Faarax Jiciir oo isagu bilowga hadalkiisa hordhac uga dhigay tuducyo maanso ah oo ka hadlaya qaybo ka mid ah Deegaanada Saaxil iyo Duruufaha xiligan ku gedaaman, kuwaasoo u dhignaa sidan;- ‘Faro-deero Dusheediyo ilaa Ceelka Dubaar iyo Daanteeda Galbeed iyo Dekedeena afkeeda Ragga Dayr ku Wareejay Qaran daawo ku nool iyo uma jeedo dan-guud kana daadegi mayso’. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi; ‘’Ummaddi waxay ku dhaqantaa saami-qaybsi, Garsoor iyo Wadajir. Sida muuqata Baayac-mushatari, Qurbe-joog, Beelo mid kuu doono ha ahaadee waxaanu leenahay sida arrintu (Wershada Sibidhka ee Berbera) u dhigan tahay ma ogolin, waxanu leenahay raga ku murmayoow waxaad tihiin dad humaag ku guuray oo yaan Been la isu sheegin oo Sahan ha lagu guuro, Dalka naaficiisa iyo khayraadkiisa wax anfaca ummadda, Nabada, Qaranka, Dawlada oo Gobol iyo Degmoba anfaca..Wixii aan taa ahaynina ma aha wax naafac ah oo midho-dhalaya..”.

Caaqil Biixi Maygaag oo isna ka mid ahaa Madaxdii dhaqanka ee Shirka ka hadashay ayaa mawqif adag iska taagay qaddiyada ku saabsan saami-qaybsiga Deegaanka Saaxil iyo Khayraadkiisa, iyo sidoo kale doorka beesha Muuse Cabdalle, isla markaana waxa uu dedafeeyey in Deegaanka Gobolka aanu qaadi Karin cid baxsan beelihii hore ugu dhaqnaa, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “..Arrimaha ku soo kordhay Deegaanka Gobolka Saaxil, Bina-aadmiga ama dhaqanka Soomaalida sidaan u aqaan waxna waa la wada leeyahay waxna waa la kala leeyahay, maxaa yeelay aabe iyo Wiilkiisa ayaa waxna wada leh waxna kala leh, sidaa darteed, waxaan leeyahay wuxuu ku magac baxay Deegaankeenu (Gobolka Saaxil) labada beelood ama Saddex beelood oo aan odhan karo sidii rag hore yidhaahdeeen waa Kiile iyo Nus-Kiile. Ma maqal in Kiilaha iyo Nus Kiiluhu intay isku yimaadeen ka wada hadleen inay Deegaanka cid wax ka siiyaan, mar haddaan taasi jirin wixii soo kordha ee Deegaanka kusoo biira waxay ila tahay inay marti yihiin, maxaa yeelay Daaqa waa la wada leeyahay oo ganacsiga waa la wada leeyahay laakiin dhulka waa la kala leeyahay oo cid baa iska leh, Sidaa awgeed wixii aan Saddexdaa Nus Kiiloo wada qaadan ee go’aan ah, tallaabo ah ama tallo ah waa waxba kama jiraan..”. Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “..Deegaanku ammaah ma galo, laakiin Daaqa iyo ganacsiga waa la kala amaahdaa oo magaca guud waa la wada leeyahay laakiin Deegaanka waa la kala leeyahay, waxaan hadalkayga kusoo koobayaa cidii halkaa u hanqal taagaysay ee ka dayeysay deegaaneey inaad dib ha u noqoto ayaan qabaa.. Berberi Rubuc Afraad ma qaado..”. Ayuu hadalkiisa kusoo gunnaanaday Caaqil Biixi Maygaag

Caaqil Ciise Baarweere; “Xiisada ama khilaafkan ka taagan Khayraadka Saaxil hadaanu Beesha Muuse Cabdalle waxaan caqli ahayn oo wada hadal ahayn oo aaanu deegaanku ka wadatashan oo aanu ka ogol nahay ma jirto, markay sidaa tahay waxaan laga wada tashan oo aan caqliyan ku iman oo Nabadgelyada wax yeelaysa oo boob ah. Ninkaan waxba haysan ayaa wax booby jiray dadka imika Ninka ugu taajirsani inuu ugu foqorsan yahay baad moodaa, waayo isagii mar walba waxaa la haystaa Nin maal-qabeen ah. Sidaa darteed safeyn wax loo jiidhsiin maayo caqliyan baa lagu soconayaa, waxaanu jecel nahay in la wada tashado oo wanaag iyo wadajir lagu socdo waxaan laga wadatashana ma ogolin..”.

Ganacsade Xuseen Aadan Cabdi oo isna ereyo kooban halkaa ka jeediyey ayaa Madaxweynaha u jeediyey inuu dib uga fiirsado go’aanka Shirkadda DAHABSHIIL ugu qayday dib-u-dhiska Wershaddii Sibidhka ee Berbera, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; ‘’Waxaan leeyahay Madaxweyne sidii Shirka LONDON aad tashiga ugu badsatay Wershaduna kama dhacdee tashiga u badi’’.

Muj. Cabdi Looliye oo ka mid ahaa mujaahidiintii ururkii SNM oo kulankaa ka hadlay ayaa tibaaxay inay haboon tahay in cid weliba calafsato khayraad wixii ilaahay deegaankeeda ka siiyo, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “..Meel waxa yaalla Caano meelna waxa yaalla Bigays haddii Gobolkii ilaahay Caano noo dhigay waxaanu leenahay ninka Doolka ahoow naga naga joog..“.

Sidoo kale Mujaahid Cabdi Looliye duruufihii iyo marxaladihii kala duwanaa ee Gobolka ay u soo mareen sida halgankii dib-u-xoreynta dalka “Waxaanu leenahay dhib ayaanu u soo marnay Gobolka, waanu usoo dagaalanay Rag baa nagaga maqan oo ku wada dhintay, qaar baa ku naafoobay kuwo kalaa ku kacay Maanta markii dheeftiisii timi in nala gees maro socon mayso”.

Ugu dambeyntii waxa kulan Saxaafadeedka Madax-dhaqameedka Beesha Muuse Cabdalle soo gunaanaday Chief Caaqil Siciid Muxumed Cilmi (Marti-ilaaq) oo ku dheeraaday qiimaha wadajirka iyo Wadatashigu u leedahay bulshada iyo sida loogu baahan yahay in si guud looga fiirsado hadba mawduuca soo kordha, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi;  “Beryahanba waad maqlayseen iyada oo warar is khilaafsan Saxaafadda laga sheegayo, magacuu doono ha sheegto ama Kambaniguu doono ha ahaadee lagana hadlayo cid isku haysata dhagaxaan (Berbera) waxaanu leenahay khayraadka dalka Somaliland marka hore waa u siman tahay. Ta labaad deegaanba wax baa ku galaday haddii ilaahay halkan (Berbera) dhigay Wershadda Sibidhka Dhagaxeedii waa khayraad dabiici ah oo mar dalku wada leeyahay marna deegaanku leeyahay, Xukuumaddu marba cidii u tagta marka ay halkan soo gaadho soo qaadatay warqadii dhagaxee meesha dad baa ku nool, sidaa darteed dadkii in lagala tashado ayaa haboon laakiin in Nin isku qabsadaan waxay doonaanba ha sheegtaane. Waxa la yidhi ‘waxaanu Daanku qaban dal-qadaaba celisee’..  Waxaan loo sinayni suurtogeli maayaan oo idiin cuntami mayso. Dhagaxan badh baanu leenahay, hadaad is tidhaahdaan jiita annaguna dhinaca kale ayaanu qabsan doonaa, ujeeddada Shirkayaguna waa sidaa haddii hadalka la aqoonsadana raali ha la naga ahaado.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.