Madaxwaynihii Waddanka Malawi oo geeriyooday

0

Malawi-(Berberanews)- Madaxweynaha dalka Malawi, Bingu wa Mutharika, ayaa u geeriyoodey maanta xanuun dhanka wadnaha oo asiibey. Waxaa da’diisu ahayd 78 jir.

Ilo ka tirsan dowladda Malawi, ayaa BBC u xaqiijiyey geerida Madaxweynaha ka dib warar is burinaya oo xaaladdiisa ku saabsan. Waxaa la dhigay Cusbitaalka maalintii Khamiista ka dibna loo qaadey dalka Koonfuur Afrika.

Ma jirin warar rasmi ah oo ku saabsan dhimashadiisa. Mr Mutharika, waxaa beryahan dambe saarnaa cadaadis gudaha iyo mid caalami ah intaba.

Dalal badan oo reer Galbeed ah, ayaa Deeqo toosa oo ay siin jireen ka jarey ama ka joojiyey Malawi sannadkii hore, iyadoo mucaaradku ay dhigayeen bannaan-baxyo rabshado wata, iyagoo ku eedeynaya Madaxweynihii hore inuu ku lug yeeshey si xun u maaraynta dhaqaalaha iyo musuqmaasuq uu ku kacay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.