Madaxweynaha Haiti oo lagu dilay weerar gurigiisa lagu qaaday

0

Haiti(Berberanews)-Madaxweynaha Haiti, Jovenel Moïse, ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday hoygiisa gaarka ah, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah Claude Joseph.

Mr Joseph wuxuu sheegay in guriga madaxweynaha ay weerareen niman hubeysan oo aan haybtooda la garanayn abaare 01:00 waqtiga ee maxaliga ah.

Marwada Koowaad ayaa la sheegay inay iyaduna ku dhaawacantay weerarkaas.

@Bbc Somali