Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo ku andocooday inaanay aqbalayn Wadahadal ay Soomaaliya la gasho Somaliland

0

“Wax kasta oo Somaliland lala galayo ama wada hadal, haddaan Putland ku jirin waa waxba kama jiraan, annaga ayaa miisaankii deegaanka ah.” C/Raxmaan Faroole.Garoowe-(Berberanews)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa sheegay inaan wax wadahadal lala geli karin dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku andacooday inay Somaliland dhul ka haysato maamul-goboleedkaas.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in Somaliland ay deegaanno ka heystaan Putland, isla markaana cida wax ka dhaxeeyaan ay iyaga yihiin, isla markaana 99% deegaanada ay cida wax ka heystaan deegaanadooda ay yihiin Somaliland, isaga oo ku andocooday inaanay raalli ka ahayn Puntland wadahadal Soomaaliya la yeelato dawladda Somaliland. “Deegaannada laga heystaa Putland, waa kuwa ay dagaalka iyo colaaddu ka hurayso, waa 99% waa cidda deegaankeeda qaar heysata, sida Kalshaale, Buuhoodle, iyo heysashada Laascaanood.”ayuu yidhi Faroole.

Mr Faroole ayaa sheegay in hore u shaqayn weyday isticmaal dawlad kale, isla markaana aanay haatan Soomaali aanay isticmaarsan karin, waxaanu yidhi; “Wax kasta oo Somaliland lala galayo ama wada hadal, haddaan Putland ku jirin waa waxba kama jiraan, annaga ayaa miisaankii deegaanka ah.” Faroole.

Cabdiraxmaan Faroole, waxa uu ka hadlay maamul-goboleedyada lagaga dhawaaqay deegaannada Sool Sanaag iyo Ceyn, waxaanu sheegay in ictiraafka dawladda TFG-da ee hadda jirta ay ku dhawaaqday, haddana ay ka noqotay, aanu wax shaqeyn kara aheyn, isagoo xusay in Putland magaca lagaga xumeynayo, isla markaana laba ruux oo Computer fadhiisata ama meel qaxoonti ku joogaa aanay maamul-goboleed ay sheegtaan ama tuulo inta ay tagaan haween iyo carruur isku uruuriyaan dabadeedna maamul goboleed iskaga dhawaaqaan aanu jirin.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu sida ugu dhakhsaha badan u magacaabayo Guddi wadahadal la gala Dawladda Somaliland, isagoo Madaxweyne Shariif ku ammaanay dedaalka iyo horumarka ay sameysay Somaliland.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.