Madaxweynaha Nigeria oo shaqada ka eryay taliyayaashii ciidammada oo dhan

0

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa shaqada ka eryay taliyayaashii ciidamada dalka oo uu magacaabay markii ugu horeysay ee uu xafiiska la wareego sanadkii 2015.

Tallaabadan oo lagu sheegay lama filaan ah, wuxuu sidoo kale ku soo qoray magacyada beddelladooda.

Lama sheegin wax sabab ah oo loo casilay madaxdii ciidamada, badda, cirka iyo madaxii shaqaalaha difaaca.

Waxay ku soo beegantay iyadoo Nigeria ay weli la daalaa dhaceyso amni darro baahsan oo ay ka mid yihiin kacdoonka muddada dheer socday ee Boko Haram iyo afduubyada baahsan.