Madaxweynaha Somalia Oo Addis Ababa Kula Kula Yeeshay Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka

0

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu la kulmo xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry oo booqosho ku maraya dalalka Afrika qaarkood.

 

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah  masuuliyin sar- sare oo ka tirsan dowladdiisa oo ay kamid yihiin wasiirka cadaalladda iyo garsoorka Faarax Shekh Cabdulqaadir ,wasiirka gaashaandhiga iyo xubno kale oo muhiim ah .

 

“Madaxweynaha waxa uu la kulmi doonaa ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya iyo xogyaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry oo ay arimo badan  ka wada hadli doonaan,“ ayuu yidhi Xuseen Cabdi Xalane oo ah wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka hadlayay safarka madaxweynaha.

 

 

 

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in labada dowladood ay ka wada arinsan doonaan xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo ka wada shaqaynta la dagaalanka kooxaha argagaxisada geeska Afrika oo la sheegay in ay qatar weyn ku yihiin amniga gobolka.

 

Kulanka ay wada qaadan doonaan maanta madaxweynaha iyo John Kerry ayaa isna lagu sheegay in uu yahay mid taageero dheeri ah loogu muujin doono dowladda uu hogaamiyo Xasan Shekh iyo waliba howl-galka Midowga Afrika.

 

Ugu danbayntii John Kerry ayaa horey ula soo kulmay madax kala duwan oo ka tirsan dowladaha Uganda ,Kenya iyo waliba Itoobiya ,waxaana dhamaantood uu kala hadlay arimo la xiriira kor-u qaadista xasiloonida geeska Afrika.

 

 

 

Berbera news/Hargeysa.