Madaxweynaha Somalia Sucuudiga Kala Hadlay Saldhiga Millatery Ee Imaaradka Laga Siiyy Berbera

0

(Berbera) Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaaajo) uu dacwad ka dhan ah saldhiga Millatery ee laga siiyey magaalada Berbera u gudbiyey dawladda Boqortooyada Sucuudiga.

Farmaajo ayaa ka codsadey in dawlada Sucuudigu ay ku qanciso Imaaradka carabta in aanay wax saldhig ciidan ah ka samaysan dalka Somaliland, isla markaana ay ka laabato heshiiskaas oo aanay dhamaystirin.

Waxaana sidaasi lagu sheegay war bixin lagu daabacey jariirada Riyaad Post oo ka soo baxda Boqortooyada Sucuudiga, waxaana ay jariiradu warkan ka soo xigatay masuul ka tirsanaa weftigi Madaxweyne Farmaajo ee dhawaan booqashada ku tahay Sucuudiga.

Madaxweyne Farmaajo oo dhawan safar ku tagay dalka Sucuudiga ka dib marti qaad rasmi ah oo uu ka helay, waxa uu arrinta saldhiga Military ee Berbera uu si gaar ah ugala hadlay ku xigeenka dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salman Bin Cabdicasiis oo ah Wasiirka Gaashaandhiga.

Gudgude news.