Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Madaxda Dhaqanka Awdal iyo Maamulka gobolkaas kulammo la yeeshay iyo qodobbada ay ka wadahadleen

0

Boorama-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tagey magaalo-madaxda gobolka Awdal ee Boorama, isla markaana waxay Madaxweynaha iyo Weftigiisu kulammo la yeesheen Madaxda Dhaqanka iyo Maamullada heer gobol iyo degmo.

Madaxweynuhu waxa uu xadhigga ka jaray jid laamay ah oo dhererkiisu yahay 4KM oo laga dhisay qayb ka mid ah waddada isku xidha degmada Dila iyo magaalada Boorama ee gobolka Awdal, isla markaana waxa uu dhagax-dhigay 6KM oo lagu kordhinayo jidkaas oo ay Xukuumaddu lacagta lagu dhisayo bixinayso. Waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu dhagax-dhigay jid 8KM ah oo isku xidhi doona deegaanka Goroyo-Cawl iyo magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, waxa si diirran ugu soo dhaweeyey duleedka degmada Dila Mas’uuliyiinta heer gobol iyo mid degmo ee Gobolkaas. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa hadal uu u jeediyay dadka ku dhaqan magaalada Dila waxa uu uga mahad-naqay sida karaamada iyo qaddarintu ku dheehan tahay ee ay ugu soo dhaweeyeen degmadaasi.

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu u soo jeediyey dadka reer Dila inay meel uga soo wada jeedaan wax kasta oo saamayn ku leh nabadgalyada guud ee dalka iyo ta gobolka Awdal oo ay degmada Dila ka tirsan tahay.

Intaa ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo ka kooban Wasiirro, Agaasimayaal, Maareeyeyaal, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsani u gudbeen dhinaca magalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo Weftiga Madaxweynaha si diirran ay ugu soo dhaweeyeen dadweynaha reer Boorama.

Madaxweynuhu wakhtigii qadada ka dib, waxay isaga iyo Weftigiisu kulan kula yeesheen Huteelka Rays ee magaalada Boorama Madaxda Dhaqanka oo isugu jiray Salaaddiin, Cuqaal iyo Odayaal, Aqoon yahan iyo Wax-garad kale oo reer Awdal ah, kuwaasoo ay ka wadahadleen sida la sheegay adkaynta nabadgelyada, waynaynta xuska maalinta gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May oo sannadkan ku buuxda 21-guurada ka soo wareegtay markii Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer 18 May 2012.

Sidoo kale, waxa la sheegay inay Madaxweynaha iyo Madaxda dhaqanka ee kulmay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha tabashooyin ay gobol ahaan ka qabaan Xukuumadda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxu kulan gaar ah la yeeshay Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee magaalada Boorama iyo gobolka Awdal.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.