Madaxweynaha Somaliland oo buriyey go’aan Wasiirka Maaliyaddu ku kordhiyey Cashuurta Badeecado gaar ah iyo Ganacsato soo dhawaysay

2

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa buriyey go’aan uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu Maxamed Xaashi Cilmi ku kordhiyey Cashuurta Badeecadaha waddammada dibedda laga soo dejiyo ee ay dalkana ka soo saaraan Wershado ay leeyihiin Ganacsato waddani ahi.

Ma jiro war rasmi ah oo ay Xukuumaddu ka soo saartay arrinan, hase ahaatee, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Shabakadda wararka ee Berberanews, wuxu Madaxweynhu Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi shalay ku amray inuu buriyo qoraalka cashuur-kordhinta ah ee lagu soo rogay noocyada Saabuunta iyo Sharaabka ee dalka dibeddiisa laga keeno.

Cashuurta lagu kordhiyey Badeecadaha Saabuunta iyo Sharaabka oo labadii toddobaad ee u dambeeyey muran xooggan oo u dhexeeya Wasiirka Maaliyadda iyo Ganacsatada 21 Shirkadood oo waddani ah oo iyagu alaabooyinka dibedda ka soo waaridi jiray, ayuu Madaxweyne Siilaanyo soo afjary, ka dib markii uu Wasiirkiisa Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi ku amray inuu ka noqdo qiimaha cashuurta lagu kordhiyey, isla markaana sidii hore loogu cashuuri jiray loogu cashuuro noocyada badeecadaha wax lagu kordhiyey.

Ganacsatada waaweyn ee dalka, gaar ahaan kuwa bagaashka noocaas ah dibedda ka keena, ayaa go’aanka Madaxweynaha Somaliland si diirran u soo dhaweeyey, isla markaana uga mahad-naqay sida uu dib ugu qiimeeyey muhiimadda ay dalka ugu fadhiyaan ganacsato ahaan, iyaga oo Wasiirka maaliyaddana ku bogaadiyey sida uu u aqbalay go’aanka Madaxweynaha ee ah inaan la dhaqan-gelin cashuurta lagu kordhiyey Sharaabka iyo noocyada Saabuunta ee dalka dibeddiisa ay ka soo dejiyaan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

2 COMMENTS

  1. KELIGII-TOOSANE Ina Xashi waa ku dheeraad Somaliland ilaa maalintii wasiirka uu noqday ilaa maanta cashuur ayuunbuu kordhinayey hadana maanta miisaaniyadii ayuu ku fashilmay in uu barlamaanka horkeeno dhinaca kale Ina Xashi wuxuu ku jiraa dagaal aan dadku tabayn oo ah in uu Berbera curyaamiyo lacagna ka helo waa cadowga Berbera runtii anigu waxaan jeclaan lahaa in uu benshan galo oo iska nasto.

  2. Haa waligiiba cadawga Berbera ayuu ahaa oo isaga ayaaba cadaystay taas lakiin hada waabay ka dhantahay oo waxa u ubaahanyahay in la retirement gareeyo