Madaxweynaha Somaliland oo Dubai u baqoolay

0

Dubai(Berberanews):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Dawladda Imaaraadku si diirran ugu soo dhawaysay magaalada Dubai, ka dib markii uu Maanta ka ambabaxay magaalada Abu-Dhabai oo uu Safar ku joogay 3-dii toddobaad ee ugu dambeeyey, halkaas oo uu kula kulmi doono Masuuliyiin Imaaraadka Carabta ka tirsan, sida la sheegay.

Madaxweynaha oo ay weheliso Marwadiisu, waxa qaabka looga qaaday Huteelka ay degganaayeen ee Abu-Dhabia iyo sida loogu soo dhaweeyey magaalada Dubai oo aanay Xukuumaddu war rasmi ah ka soo saarin, haddana qoraal kooban oo Madaxtooyada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu muddo Maalmo ah ku sii sugnaan doono Dubai.

Waxaa sidoo kale, Qoraalkaas kooban lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo maalmo ka dib u soo gudbi doono dhinaca dalka oo uu ku soo laaban doono Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu ka maqnaa tan iyo 21-ka bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo uu Hargeysa ka dhoofay.

Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisa War kooban oo laga diyaariyey Safarkoodan ay ugu kala socdaaleen magaalooyinka Abu-Dhabai iyo Dubai ee isla dalka Imaaraadka Carabta, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-