Madaxweynaha Somaliland oo gaadhay ceel-afweyn

0

Ceel-afweyn-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Safarka Madaxweynaha oo galay maalintii lixaad,ayuu maanta ku tegay Gobolka Sanaag, halkaasoo ay uga bilaabantay booqasho uu ku marayo Gobolka Colaadaha sokeeye sanadihii u dambeeyey saameeyeen.

Boqolaal kamida Bulshada ku dhaqan Magaalada Ceel-afweyn oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamanka, kuwa Deegaanka, Siyaasiyiin xilal ka soo qabtay Xukuumadihii hore, Madaxdhaqameedyo iyo dadweyne kale ayaa weftiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyey duleedka Degmada Ceel-afweyn.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa socod lug ah ku maray qaar kamida Jidadka Magaalada.

Halkan ka Daawo:

Ka hor intaanu Madaxweynuhu gaadhin Magaalada Ceel Afweyn wuxuu goob-fagaare ah kala hadlay Boqolaal kamida Dadweynaha ku dhaqan Degmada Gar-adag oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa maalmaha soo socda ku wajahan Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.