Madaxweynaha Somaliland oo hambalyo u diray Joe Biden

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden, iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.

Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Somaliland ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso xoojinta dimuqraadiyadda iyo madaxbanaanida adduunka.
“Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay @JoeBiden iyo Madaxweyne Ku-xigeenka la doortay #KamalaHarris. #Somaliland, iyada oo ah saaxiib la isku halleyn karo iyo xulafo, waxay diyaar u tahay inay kula shaqeyso xoojinta dimuqraadiyadda & amniga adduunka. ”